Hargeysa(Hubaal)Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa naqdiyay qaabka Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo u xustay 34 Guuraddii aasaaska Shuhadadii SNM oo shalay ku beegnayd. Waxa uu ku tilmaamay in Munaasibadda loo qabtay ahayd mid dibiro dhacsi iyo ku digasho ah.
Mudane Boobe, waxa uu khalad ku tilmaamay Xukumadda oo aan Ogolayn dadku si iskood ah u xusaan Shuhadadii SNM “Horta waa 34 Guuro, marka laga soo tiriyo 1981-kii markii London lagaga dhawaaqay dhaqdhaqaaqii Waddaniga ahaa ee Soomaaliyeed. Waxaad Ogaydeen bishii October 2014-kii oo la isku dayay in Hotelka Hiddo dhawr xus loogu sameeyo SNm, oo dadku xaq u leeyihiin meeshii ay doonaan wakhtigii ay doonan inay ku xusaan, dabadeedna subixii intaas oo Ciidan ah loo diray” ayuu yidhi Mr Boobe.
Mujaahid Boobe, Xoghayaha Warfaafinta Waddani waxa uu ka hadlay sida uu u arkay xuska 34-aad ee Shuhadada SNM “Xalay waanu daawanaynay markii la lahaa waxaa la xusayaa 34 guuradii dhaqdhaqaaqa waddaniga ah ee Soomaaliyeed oo ku beegnayd 6 April 2015. Umaanu arkayn xus ee waxaanu u arkaynay dibiro dhacsi iyo digasho” ayuu yidhi Boobe.
Mujaahid Boobe, arrintaasi sii sababaynaya ayaa intaasi raaciyay “Waayo? Marka laga hadlayo dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed, dad baa u naafoobay,Dad baa u dhintay, dad baa Weer cad u xidhan, Agoomihii baa nool, Naafaddii baa nool oo iyagoo luguhu go’an yihiin hor maraya Madaxtooyada oo dhididku taas iyo taas ka da’ayo”.
Boobe waxa uu tilmaamay inay haboonayd in wax loo qabto Naafada iyo agoomaha SNM “Soomaalidu waxay tidhaa “meel hoo u baahan hadal wax kama taro”, looma baahna in la yidhaa waxaa la xusayaa Shuhadadii SNM dabadeedna ay halkaas yimaadaan dad aan waxba ka ogayn Halgankii SNM ee 10 sannadood socday, Waxaanu leenahay dhirtu waa ogtahay, dhagaxu waa ogyahay, dhulku waa ogyahay kii dhaawac qaba. Cabdillaahi Suldaan Timacadde AHN Gabayadiisii mid ka mid ah waxaa ku jiray “Dambarkeedii Maandeeq Nimaan doonin baa dhamay”, hadalka waxaan ku soo Ururinayaa taas baa idiinku dambeysay xus dambe oo aad been ka sheegtaan, waana inoo 35 Guurada iyo cidda maalintaas timaada” ayuu yidhi Mujaahid Boobe.