Danjire Loo Magacaabay Safaaradda Somaliland Ku Leedahay Ethiopia Oo Muddo Xilkeedu Banaanaa

0
25

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxauud (Siilaanyo) ayaa shalay Masuul cusub u magacaabay xafiiska safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Itoobiya.

Jagadan oo sanadihii u dembeeyey banaanayd ka dib markii xilkii safiirnimo ee safaaradda Addis ababa laga qaaday safiirkii hore Aadan Nuux Dhuule ayaa warsaxaafadeed shalay ka soo baxay aqalka madaxtooyada waxaa lagu shaaciyey magacaabista safiirka cusub ee dalka Itoobiya u fadhiyi doonta dawladda Somaliland.

Warsxaafadeedkaas oo dhamaystirnaana waxa uu u dhignaa sidan:Madaxweyne_Siilaanyo2013

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3319/052015  uu ku magacaabay   safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay:    Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:   Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:   In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya;
Markuu Ka Fiirsaday:  Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay:    In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday, In Mudane, Maxamuud Aaden Jaamac Galaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Itoobya” Sidaas ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Madaxtooyada ka soo baxay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here