“Danta Farmaajo Ku Kelliftay In Uu Burburiyo Siyaasaddii Hoose Ee Deegaankiisu Waa Dhabanno Hays!!!!”

0
218

W/Q: Maxamed Xaaji Maxamuud

ONLF ma aha urur argagixiso ee waa urur ujeeddo qabiil ku aasaasmay 1984. Ujeeddo ah in uu Ogaadeen Soomaali Galbeed ka xorraysto Itoobiya – dabadeed na uu Ogaaden kelidii Soomaali Galbeed u taliyo! Inkasta oo ay marar badan ka barriiqatay! Ujeedooyinka ONLF ee dhabta ahi ma aha in Soomaaliya ay la midoobaan ee waa in ay ka garab dhismaan, ilaa inta la ga helayo dhul Daarood oo isku furan tan iyo Sool, Jigjiga ilaa Wajeer! Ammuurtaa marnaba daarood uma uu san dhammayn oo Majeerteen ayaa ka soo horjeeday!. ONLF oo xooggeeda ciidan dhan yahay 2,200 oo degta qori ku sita – waxa ay gargaar dhaqaale iyo saad ciidan ka heshaa dalalka Masar iyo Eritrea oo ay Itoobiya col yihiin. Inkasta oo aaney Masar caddaysan -haddana waxa hubaal ah in qaddiyadda webiga NILE ay tahay ammuurta Masar ku kellifaysa in ay jabhadda ONLF taageero siiso!. Siyaasadda ONLF waxa iyana aad u la dhacsanaan jiray oo dabada ka riixi jiray dhammaan hoggaamiyayaasha Beesha Daarood intooda siyaasadda Soomaalida wax ka noqotay marka la ga reebo dhammaan siyaasiyiinta Majeerteen. Waayo ujeeddada weyn ee kama danbeysta ah ee loo socday ayaa ah in Daarood xukun aan dhammaan Soomaali ka dhex helo. Sababta uu Majeerteen uga soo horjeedo arrintan hadda xusi maayo ee sidaa raalli ha la i ga ga ahaado!. Fekerkan suura-galnimadiisu ay adag tahay, waxa aad u la dagaaallami jiray siyaasiyiin waaweyn oo Isaaq u badan oo ay ka mid ahaayeen Cigaal, Micheal Maryama, Cabdiraxmaan Tuur, Xasan Kayd, Axmed Siilaanyo, Cumar Carte iyo Ibraahim Meygaag. Dhanka Hawiyaha waxa si weyn ugu baraarugsanaa Cabdilaahi Ciise iyo Gen. Maxamed Faarax Caydiid oo intii danbe watay fekerka ka hor-tegista midnimada sumaysan. Ammuurtan ayaa keentay in Soomaali ay kala biiqdo oo ay cadow isku noqoto. Faahfaahinteeda ma jecli in aan aad u sii dhex galo, cidda se rabta in aan la wadaago ammuurtan ee dhallinyar ah Insha Allahu marka aan Somaliland ku soo laabto ayaan ka wada sheekaysan doonaa. Waxa keliya igu kellifay ka hadalkeeda waa in aaney ONLF ahayn argagixiso se ay tahay ammuur aan Soomaali sinaba isku la oggolayn! Maanta Farmaajo oo Madaxweyne Mareexaan ah ayaa markii ugu horraysay dawladda dhexe ee Muqdisho fadhidaa baahisay in ONLF ay tahay argagixiso shabaab la mid ah!!! Waa arrin caddayn u ah in Itoobiya aaney keliya burburin midow Soomaaliyeed oo in ma ogi ku hadaaqdo. Waxase ay xataa burburisay fekerkii hoose ee qabiillada qaar aaminsanaayeen kol haddii Farmaajo ONLF ku sheegay argagixiso!!! Intaa u dhaafi maayo, Soomaali se haddii in uun ay jiritaankeeda rabto qabiil ay warkiisa dhaafto iyo talo dhakhso ah ayaa u bannaan!

Mohamed Hagi Mohamoud

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here