“Dardaarankii madaxweyne Obama u soo jeediyay madaxda Afrika,oo ay Somaliland baal martay”

0
33

Madaxweynaha Maraykanka Barac Obama ayaa markii uu dalka Kenya tegey waxa uu ka jeediyay khudbado dhaadheer oo dhaxal gal ah , waxaana hadaladiisii ka mid ahaa, in ay madaxweynayaasha iyo siyaasiyiinta Afrika ugu wacan yihiin dibudhaca iyo musuq-maasuqa ka jira dalalka Afrika oo dhan , waxaanu ku sababeeyay in ay madaxweynayaashu wax horumar ah u soo kordhin dalalkooda , waxaana taa ka sii daran in ay kursiga isku sii dhejiyaan oo ay samaystaan xeelado kala duwan , sidii ay kursiga ugu sii fadhiyi lahaayeen , iyada oo ay ka dhamaatay xiligii la doortay ee ay muddadiisu ku ekayd , taasuna waxay abuurtaa in uu dalka ka dhasho mucaarad xoog lihi , dalkana waxyeelo u gaysao iyo dibudhac.obama

Waxa uu hadalkiisa ku sii daray in kursi jacaylku iyo isku sii dhejintiisu aanay waxba u tarin dalalka Afrika , laakiin ay sababto caddaalad darro iyo dibudhac iyo dhac iyo boob badan oo ay ku kacaan madaxweynahaas iyo xukuumadiisu oo ay sii burburiso wixii ay qabatay iyo wixii hore loo soo qabtayba .

Waxaanu kula taliyay madaxweynayaasha Afrika in ay ka waantoobaan iskana daayaan arintaa dalalkooda iyo dadkooda iyo siyaasadoodaba dibudhaca ku samaysa .

Waxaanu kaloo kula taliyay in ay ka fekeraan aayaha ay ka tegi doonaan in uu noqdo mid wax u tara horumarka dalkooda iyo dadkooda.

Waxaanu kale oo sheegay in ay ka waantoobaan qof jeclaysiga iyo qabyaaladda oo ah midda abuurta caddaalad darrada iyo eexashada indhaha la’.

Waxaanu kale oo yidhi haddii uu qofku shaqadii loo doortay qaban kari waayo , waa in uu u baneeyaa , ciddii shaqada qaban karaysa , waa in dhalinyaradana laga qayb geliyaa xukunka iyo siyaasadda dalka , si dalalka Afrika ula jaan qaadi karaan siyaasadda dunida ka socota ee ay dhalinyaradu hogaaminayso .

Waxaanu ku khatimay ereyadiisii in ay duqaydu iyo odoyaashu ay xilalka dalka u baneeyaan dhalinyarada maskaxda furan ee la jaanqaadi karta siyaasadda casriga ah ee dunidu iminka ka socoto .

Hadaba hadaladaa uu madaxweyne Obama kula dardaarmay madaxweynayaasha iyo mas’uuliyiinta Afrika , miyaanay caddayn in ay Somaliland oo uu madaxweynihii isaga oo hawl gabay uu xukunka weli isku sii dhejinaayo , oo uu muddo korodhsi aanu waxba qaban karayn lbaal martay talada iyo dardaarankaa ku dhisnaa aqoonta iyo waayo aragnimada .

Miyaanay caddayn in dardaarankii madaxweyne Obama kula dardaarmay madaxda Afrika in ay xukuumada Axmed Siilaanyo baal martay.

Miyaanay caddayn in uu Saleebaan Gaal baal maray dardaaranka oo uu weli kursiga isku sii dhejinaayo , isaga oo sanadkii laba todobaad oo qudha dalka soo booqdo , inta kalena uu dhakhtar dalka Ingiriiska kaga jiro ?

Miyaan la gaadhin xiligii talada golaha guurtida laga wareejin lahaa , oo loo dhiibi lahaa cid shaqayn karaysa oo dalka gudihiisa ku nool ? mise wax la garaad ah waa laga waayay dalka oo bedeli kara ? mise arinku qabyaalad ayuu ku lug leeyahay iyo aniga ii joog meesha ?

Hadaba waxa aynu ka filayna xukuumadda Axmed Siilaanyo xiliga soo socda , waa dibudhac ku yimaada wixii ay hore u soo qabatay iyo musuq-maasuq baahsan oo aan qarsoodi ahayn iyo qabyaalad qaawan iyo boob ay mas’uuliyiintu boobaan hantida dalka iyo dadka , ilayn dalladii maamulaysay meesha way ka baxday e.

Hadaba waa in shacab weynuhu iska celiyo talaabo kasta oo sharci darro ah , oo ay dalkooda iyo dadkooda ku difaacaan xukuumaddan dhacday ee xiligii la dooraty ka dhamaaday ee sida xeeladaysan ku samaysatay muddo korfdhinta , si ay u urursato una dhacdo hantida dalka iyo dadka .

Cali Maxamed Biixi

caliwwelli@hotmail.co.uk

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here