Hargeysa (Hubaal)- Maamulka Gobollada Gabiley iyo Awdal ayaa dareen isku mid ah ku qaabilay go’aankii Madaxweynaha Somaliland fursadda ku siiyey musharraxiinta uu damacu ka hayo hoggaaminta dalka iyo tanaasulkii uu hankiisa ka tanaasulay tartanka doorashada xisbiga. Maamulka golaha deegaanka ee Gabiley iyo Boorama iyo kuwa heer degmo ee gobolladaas ayaa Taageeray Go’aankii uu Madaxweyne SIilanyo ugu Tanaasulay Muuse biixi Cabdi , Iyo Madaxweyne ku xigeenka somaliland Saylici. Maamulka Degmada Arabsiyo Iyo Cuqaasha Waxgaradka Haween weynaha degmada oo Taagero Weyn u Muujiyey Musharax madaxweynenimo Muuse Biixi iyo Madaxweyne ku Xigeenka Saylici iyo Madaxweynaha jamhuuriyada somalilnd kuwaasi oo dhamaantoodba si Cad u taageeray sida fiican ee uu madaxweyne ahmed maxamed maxamuud siilanyo Sida uu ku hibiyyeey walaalkii muuse biixi cabdi dhanka kale waxay taageero weyn la garab is taageen kuna booriyeen mudane xaglo toosiye in uu mar labaad ku noqodo tartanka sidoo kale waxay ganafkan ku dhufteen dadweynaha degmada arabsiyo in ay cod iyo hiilba gobolkii gabiley la barbar joogo insha allah wakhtiga ay gaadho Doorashada somaliland dhanka kale waxay Isaka daba mareen cuqaashan iyo haweenweynaha xisbiga kulmiye ee degmada arabsiyo taageerada ay u hayaan musharixiinta
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Dareen Isku Mid Ah Oo Gobollada Galbeedku Ku Qaabileen Go’aankii Madaxweynaha Iyo...