Dareen Nooc Ma Ah Baa Ay Bulshadu U Qabaan Muuse Biixi Cabdi?

0
159

Qalinkii : Maxamed Xuseen Jaamac (M.Soomaali)

Waxa ay ahayd barqadii shalay oo khamiis ahayd markii aan si kadis ah uu la kulmay goob ay dad ku xoonsanyihiin il-yartuna is qabatay ,waxa aan u han-qal taagay in aan ka war helo waxa ay shacabku ku soo xoomeen ,waa wadada wadnaha ee marta badhtaha caasimada dhagahayga waxa ku soo duulay erayada ay ka mid yihiin “Madaxweyn soo dhawaw” aniga oo dhagiba jaan ileegtahay isna weydiinaaya soo kii madaxweynahu safarka caafimaad ku maqnaa goorma ayaa uu soo laabtay .inta aanan wali helin jawaab sax ah hoostana ka talaabaynaya ayaan soo gaadhay goobtii ,waaba Muuse Biixi oo ay wehelinayaa Jamaal Cali Xuseen iyo xubno ka tirsan masuuliyiinta sarsare ee xusbiga Kulmiye oo u kuur galaayey habka dhaqan dhaqaale ee bulshada caasimadu ay ku noolyihiin. Bulshadii uu la kulmay mudane Biixi waxa ay ku qaabileen jawi ay ka muuqato farxad iyo rayn rayn ay ku qabaan booqashada kadiska ah ee uugu yimid, usha kor loo tuuraa kumay dhacayn ruux madaxii mooyaane ,waxa lakala boobayey salaanta Madaxweynaha shanaad ee qaran ,mushxarada iyo caleemo saarka haween sida niyada ah baad wax kasta ku ilaabaysay. Rabitaanka shacabku ay ku qabaan ,in ay gacantooda ku doortaan hogaamiye la dareen ah ayaa dareemaysay, mudane Biixi si geesinimo ku dheehantahay ayaa uu kula majaalisay shacabkiisa isaga kala shaahay goobaha lagu qaxweeyo. Ifafaalaha saadaasha dabaysha siyaasada Somaaliland waxa u janjeedhaa , in Biixi noqon doono masuulkii badali lahaa ruug cadaaga weyn ee Siilaanyo marka aad indho fayow oo bilaa caadifad ah ku eegto rabitaan shacabka min barri ilaa galbeed oo jawi isku mid ah ay ku qaabileen tuulo kasta oo uu tago iyaga oo tusaaya sida ay uugu heelanyihiin hogaamintiisa. Waayo aragan weysada u biyeystay in uu dhamaystiro inta kaga aadan hanashada iyo meel marinta in ta ka hadhay waajibka ka saaran u adeegista qarnkan curdinka ah ;horana uu uugu hibeeyey naftiisa ,holaca rasaasta iyo hirdankii lagu dhicin lahaa maandeeq markii ay gacanta u gashay daaquudkii Siyaad bare  oo uu safka hore ee halganka kaga suntanaa. Mudane Biixi waa waaya arag siyaasi ah uuna soo dhabar adaygay maraaxil aad u qadhaadhaa ,iyo duufaano siyaasadeed oo aad u cakirnaa maanta inuu nabsi maalkii uu helo halkiisuu ku sugay. Marka aad fiirso habacsanaanta ka muuqata axsaabta qaran ee ku loolamaya hanashada hogaanka dalka  waxa aad arkaysaa in aanay jirin cid u babacdhigaysa  musharaxan iyo xusbiga uu odayga u yahay waayo waa marka horee  waxa uu guranayaa dadkana ka gadayaa fulinta barnaamujkii cagaarnaa ee uu dalka ku hogaamiyey muddo xileedkii uu majaraha u hayey talada qaranka xusbigiisu. Xusbiyada mucaaradka oo u muuqda kuwo aan diyaar u ahayn loolanka kursiga uugu sareeya ,himilo fog oo qaranka lagu hagana aan lahayn,waxa kuu muuqanaysa arimahan isku sidkan gaawahana u culaya in aan maadeeq dhiilka u qaadan nimaan ahayn ruug cadaagan guushu wehelkiisa tahay,bal ila dhugo faaladan aan ka bixin doono xaalka asxaabta mucaaradka ah oo la moodo in ay baal mareen ,tubtii astaanta u ahayd asxaab mucaarida oo ciyaaraysa doorkooda mucaaridnimo. Xusbiga UCID ee gadh-wadeen ka yahay   Faysal  Cali Waraabe isagu ilaa hada kama muuqato  firfircooni, masharax ku xigeen ilaa hada diyaar uuma aha waa xisbi hal gudoomiye uu ku adeegsado magaciisa ,dhanka kale uuma muuqdo mid cidhiidhi galinkara xusbiga muxaafad ka ah, waayo waa la  is gada yaqaan Kulmiye iyo Ucid  tartamo hore ayaa lagu soo kala calaf qaaday. Xusbiga Waddani oo uu hogaamiyo mr Cirro oo ah gudoomiyahii hor-joogaha u ahaa 12ka sanno golaha dheemaalka iyo mushaharka ka adag ee aan la mahadin.  Waa xisbi guud ahaan ay ka luntay majarahii siyaasadu maalin kastana sii xuub dhacsanaaya,waxa iskugu tagay kooxo kala afkaar ah ,koox walibana ay haysato fikir u gaar ah. Isbadel baa uu inoogu baaqaa hadana ka ma muuqato cidii dhalin lahayd ,waayo waxa iskugu tagay noqdayna garbaha uu ku duulaayo dad hore loo soo tijaabiyey waxa ay galaan iyo waxa ay gudaanba la yaqaan horana loosoo arkay wax tarkooda. Waxa uu noqday bahala galeen ay isku bahaysteen koox hal fikir kaliya u jooga xusbiga bara-baxna ku sameeyey aasaasayaashii,kuwaas oo maalinba maalinka ka danbeeya sidii tusbax furtay bustaha ka qaadanaya markii ay la jaanqaadi kariwaayeen dhagaraha dahsoon ee ay kooxdani maleegayso. Kooxdani waxa ay hore u ahaayeen wasiiro ka tirsan xukuumada kulmiye waxa hogaamiya Xirsi Cali X.Xasan mabda’ooga guud waa sidii aanu usoo baxayn musharaxii ay cadhada kaga yimaadeen ,himilo intaa ka dheerna ma laha. Mr Cirro waa hogaamiye qunyar socod ah waxa uu la baaxadagayaa sidii uu iskugu jaan -goyn lahaa hirdanka afkaaraha kala duwan ee kooxaha kala aragtidada ah ee xusbigiisa gudahiisa ardaayada u fadhiyaa ay u soo jeedinayaan.  Hada waxa iskugu  habar wacday hadhaagii UDUB iyo kooxo cusub oo hawl gab ka noqday siyaasada oo hada laabta la soo kacay, waa aynu dhawri doonaa halka ay iskala soo dhacaan kooxaha kulaalaya hogaamiyahan taladu ka baahday. Maanta oo aynu ku guda jirno marxalad halis ah in badana aynu naawilaynay in uu mar uun aynu helidoono  hogaamiye  ka dhabeeya himilada ay dadku hiigsanayaa fooraheedii waa uu ina hayaa,xiligii loogu jeelanaana waa uu yimid waana ruug cadaaga Muuse Biixi. Reer Somaliland maanta waxa hor-jooga saddex musharax mid waa uu soo jara-baxay waana la soo tijaabiyey ,labana waa layli wali aan la dhaansan, halgankii, dib u yagleelidii iyo hub ka dhigistii qarankan taabo galay aan wax taariikh ah ku lahayn. haddii arin sidaa yahay biya dhaca hadqlkaygu waxa uu daaranyahay Waxna waad arkaysaan waxna waad maqlaysaan taladuna gacantiina ayaa ku jirtaa, ka fikira ayaaha mustaqbalkiina,doorta hogaamiye leh curin iyo hal abuur himilo fog leh.

 Wabilaahi tawfiiq

Qalinkii : Maxamed Xuseen Jaamac (M.Soomaali)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here