Dareen Noocee Ah Ayaa Xisbiga WADDANI & Taageerayaashiisu Ka Bixiyeen Kulankii Madaxweyne Biixi Ku Qaabilay Siyaasi Buubaa?

0
18

MAxaa Ku Jiray Faylkii Madoobaa Ee Ismaaciil Buubaa Gacanta Bidix Ku Hayay Markay Madaxweynaha Kal iyo Laab Isu Salaamayeen?

 

Aragtiyo Saadaaliyey In Madaxweynuhu Uu Md. Buubaa La Maagan yahay Mansab uu Xukuumadda Uga dhiibo + Qoddobo  uu Kaadirka WADDANI Ku Macneeyey Inuu Kulanku Daarnaa

 

 

Hargeysa(Hubaal):-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii dorraad  xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo lagu tilmaamo maskaxdii ka dambaysay shirkii Garxajis ee lagu soo gaba gabeeyey Buurta Gacan Libaax. Kulanka dhex maray madaxweyne muuse Biixi iyo siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa la dareemay inuu ahaa kulan miisaan leh iyada oo dadweynaha somaliland ay si weyn ugu falanqeeyeen baraha ay bulshadu ku kulanto.  Madaxtooyada somaliland ayaa dhinaceeda muhiimad gaar ah siisay faafinta sawiradii laga qaaday madaxweyne Muuse Biixi iyo Prof Ismaaciil Buubaa,  taas oo aan ka bixin wax faah faahin ah. Kulankan oo aan xilligan la filayn waxa markiiba dhegaha ka taagay taageerayaasha xisbiga WADDANI oo si saluug leg uga dareen celiyay inkasta oo dad badan ku talinayeen  in la sugo faahfaahinta kulanka iyo in ujeedada  Buubaa ugu tagay madaxweyne Muuse Biixi ay tahay inuu gacanta ka galiyo faylka madow ee uu gacanta ku hayo, kaas oo ay ku jiri karaan go’aamadii ka soo baxay shirkii Gacan Libaax oo fulintooda looga fadhiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Shakiga ah in Buubaa u socdo xil oo madaxweyne Biixi ka doonayo in uu Qaranka ugu adeego mansab waxa sii adkeeyay siyaasi Cali Guray   wuxuuna yidhi isaga oo barkulanka boggiisa Facebook kaga faalloonaya. “Xiligan marka aan xaaladda dalka anigu eegay waxan qabaa in Madaxwaynuhu u baahan yahay inu qaato dad isaga wax ku kordhin kara waayo waxa jira dildilaac siyaasadeed waxa jira ruxan dhinaca amniga gaar ahaan bariga dalka dhaqaale xumo siiba shaqo la’aanta gaar ahaan dhalinyarda oo iyaduna dhibaato ah. Markaa Ismaciil hadii ay is fahmaan kow ayuu ka yahay dadka wax badan ku kordhin kara Madaxwaynaha.” kulankan oo u muuqda mid xogtiisa la adkeeyay ayaa warar laga helayaa waxay  sheegayaan in dalabka kulanku ka yimid madaxweyne Biixi taas oo meesha ka saaraysa in xisbiga Waddani ama beesha Garxajis u wakiilladay Buubaa gaadhsiinta arrimaha xukumadda laga tabanayo maaddaama aanu xil hayn. Dadka qaar ayaa aamminsan in madaxweyne Biixi uga baahday Prof Buubaa talooyin ku saabsan siyaasadda gobolka isbedelladu ka socdaan laakiin, waxa is waydiin mudan sababta muhiimadda loogu yeelay kulanku haddii uu gaar ahaa ee saxaafadda loo galiyay. In saxaafadda la galiyay kulanka waxay u muuqata in ay dan weyni ugu jirto madaxweyne Biixi marka loo eego sida madaxtooyada iyo warbaahintu u tabisay iyo waliba dadka madaxtooyada ka ag dhaw. Kulankan oo aan si rasmi ah loo ogayn faylka madaw ee Buubaa gacanta ku sito oo faallo badan dhaliyay waxa looga fadhiya in Buubaa tafaasiil ka bixiyo. Sidoo kalena xisbiga Waddani ayay tahay in uu caddeeyo mawqifkiisa ah in Prof-ku xisbiga ku metelayay kulanka iyo in uu ahaa siyaaro gaar ah u Prof Buubaa.

 

Geesta kale Nuuradiin Diini oo kamid ah kaadiriinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo qoraal uu ku baahiyey boggiisa Facebook-ga ku soo bandhigay aragti ka duwan taas hore oo ku saabsan kulanka madaxweyne Biixi iyo Md. Ismaaciil Buubaa ayaa sheegey in hor iyo horaanba uu md. Ismaaciil Buubaa madaxtooyada ku tegey martiqaad uu madaxweynuhu u fidiyey isla markaana uu ka codsaday kulan gaar ah oo labadooda dhex maraya kaasi oo ay kaga wada hadlaan arrimo siyaasadeed iyo kuwa dublamaasiyadeed oo waqti xaadirkan mandaqada ka oogan. Md. Nuuradiin ayaa qoraalkiisa  uu ku baahiyey Facebook waxaa uu ku dooday in Madaxweynuhu  ka codsaday ISmaaciil Buubaa in uu kala taliyey arrimaha ka soo kordhay siyaasadda geeska afrika iyo xaallada dagaal ee bariga Somaliland ka oogan.

 

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinayaa qormada uu Mr. Nuuradiin Diini ka qoray kulanka labada dhinac, kaasi oo uu si qoddobaysan u kala hormeeyey, waxaana ay u dhignayd sidan:

“Ugu horayn casuumada waxa lahaa madaxweyne Muuse Biixi isaga ayaa codsaday in uu la kulmo siyaasiga Ruugcadaagaa ee prof Ismaaciil Hurre Buubaa kaasi oo ah waayo arag in badan soo shaqeeyay khibrad dheer oo siyaasiyaana u leh siyaasada Africa iyo Carabta.

Muxuu Daaranaa Kulanaku Ama Ku Waajahnaa?

sida aan xaqiiqsaday u jeedada kulanku waxa uu ahaa tala bixin ku waajahana isbedelada waaweyn ee ka dhacay geeska Africa taasi oo uu sabab u yahay Reesal wasaaraha 42kaa ee Itoobiya taasi oo Saamayn balaadhan ku leh siyaasada Somaliland. xerada dawlada Muuse kuma jiro siyaasi si rasmiya u lafa guri kara ugana talo bixin kara arimaha siyaasadeed ee hada socda taasi ayaa keentay in uu u baahdo Buubaa.

Mr Buubaa waxa uu madaxweyne muuse u sharraxay sida ay wax u socdaan,  wixii talaabo ah ee inala gudboon waxaanu u dhiibay iyada oo qoraala,  meelaha uu sida gaarkaa u xusay waxa ugu weyn,

 

1- in uu bedelo siyasada ay kulmiye ku dhaqmaayay mudada 7sano ah taasi oo in xooga la saaro arimaha gudaha taasi bedelkeedna in xoga la saaro siyaasada Arimaha dibada maadaama Somaliland aqoonsi u baahantahay

 

2- in siyaasada Arimaha dibada ee Somaliland Asal looga dhigo Soomaalida ku nool guud ahaan geeska Africa

 

3- in Dawlada xamar la soo dhaweeyo oo si toosa loola macaamilo lana colaysan madaama aqoosiga Somaliland iyada ku xidhan yahay.

 

4- in dib loo bilaabo wadahadaladii Somaliland iyo Soomaliya si ka duwan sidii hore taasi oo ah in la cadeeyo la qeexo waxa laga hadlaayo loona yeelo dabar wax ku oola.

 

inahaasi waxa dheeraa wax yaabah uu Buubaa gaadhsiiyay M.muuse oo aan iyana meesha ka madhnayn talooyin ku aadan siyaasada Arimaha gudaha iyo xaalada Tukaraq.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here