“Dawlad Iyaddu Jebinaysa Sharcigii Ay Dawladda Ku Ahayd Weli Caalamka Laguma Arag” Jamaal Cali Xuseen Oo Cambaareeyay Xadhiga Wariye Mukhtaar Nuux

0
36

Gabiley -(Hubaal)- Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xeseen Ayaa Si Adag U Cambaareeyay Xadhiga Lagula Kacay Wariyihi Telefishanka HCTV Ee Gobolka Gabiley Mukhtaar Nuux Ibraahin Oo Sababta Xadhigiisu Daarnaa War Uu Maanta Diray Oo Ay Xaqiiqdiisa Dhibsadeen Xukuumada Siilaanyo Iyo Xisbul Xaakimka Kulmiye , Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Ucid Ayaa Cambaarayntiisani Waxaa Uu Ku Baahiyay Barta Uu Ku Leeyahay Mareegta Bulshada Ee Facebook-ga Waxaanay U Qonayd Sidan .

Jamaal Cali XuseenWaxaa Imika Laysoo Xaqiijiyey In Weriyahii HCTV Uga Soo Waramaayey Gobolka Gabiley Mudane Mukhtaar Nuux Ibraahim Uu Xidhay Badhasaabka Gobolka Gabiley Isagoo Aan U Marin Sifo Sharci Ah, Waxa Uu Ku Haystaana Ay Tahay Maxaad Runta Uga Soo Warantay. Bal Dawladan Uu Kii Doonaaba Isagoo Sharcigga Iska Indho Saabaya Uu Saxaafadda Madaxa Banaan U Xidhaayo Shakhsiyaadkii Iyo Wargeysyaddii Dalka.

Ku Darsoo Xukuumaddu Iyaddu Wargeysyadda Iyo Tvga Ay Maamulaan Siday Doonaan Bay Ugu Takri Falaan Iyadoo Ay Xoolahii Ummadda Tahay Ayeey Dadka Ka Caayaan Oo Been Qaawan Ummadda U Baahiyaan. Laga Yeelli Maayo Xukuumadda Inay Iyaduna Waxay Doonto Ka Sheegto Mucaaridka Iyadoo Hantiddii Qaranka Ee Warbaahinta Ee La Wada Lahaa Isticmaalaysa Haddana Xidh-Xidhaysa Saxaafadda Xorta Ah.

Falkaasi Jebinaaya Sharciyadda Dalku Marwalba Ummadda Wuu Sii Kicinayaa Ee Kulmiye Waxba U Tarami Maayo, Waana Mid Jebinaaya Shuruucda Dalka. Dawlad Iyaddu Jebinaysa Sharcigii Ay Dawladda Ku Ahayd Weli Caalamka Laguma Arag. Waxaananu Ku Baaqaynaa In Weriyahaasi Loo Soo Celiyo Xuquuqdiisii Muwaadinimo Mar Haddii Aanay Maxkamaddi Xukumin; Dawladda Waxaan Ugu Baaqaynaa Inay Sharcigga U Dhigto Dadka Ay Shaqooyinka Qorato.Jamaal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here