Haweenweynaha Gobolka Sanaag oo shalay isugu soo baxay baaq nabadeed oo ay cod dheer ugu direen beelaha ku dagaalamaya Ceel-afweyn, Xukuumaddana Ka Dalbaday In Gacan Bir Ah Ay Ku Qabato Degaankaasi
“Haddaad Wax Goconaysaan Oo Aad Leedihiin Hebel Haloo Aaro, Hebelo Kalaad Waayaysaan. Waar Ragga Ha Dhamaynina, Waar Ragga Hambeeya Oo Illaahay Ka Yaaba” Hooyooyinka Ceerigaabo
Ceerigaabo (Hubaal) Bulshada ku dhaqan gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo ayaa xukuumadda ugu baaqay inay gacan bir ah ku qabato colaada soo noqnoqnaysa ee degaanka Ceel afweyn.
Haweenka ku dhaqan Ceerigaabo oo shalay sameeyay isku soo bax ay ku taageerayaan sidii wax looga qaban lahaa shaqaaqada gobolkaasi ka taagan iyo sidoo kale xoojinta amniga gobolka, ayaa waxay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqeen in arrintaasi tallaabo adag ay ka qaado. Hooyooyinka ayaa dareenkooda ku muujinayay sida ay uga xun yihiin collaado iyo dhiig la daadiyo, waxaanay dhammaantood ay madaxa ku xidhnaayeen maro cad, halka qaarna ay ruxayeen maradaasi cad oo ka turjumaysay nabadgelyo. Waxaana hadaladoodii ka mid ahaa;
“Dagaalka hala joojiyo, waxay idinla maraysaa inaad caruurihii aad gawracdaan, inaad cirroolihii laysaan, haweenkii laysaan oo is xasuuqdaan. Ninka nabada isku duuba iyo cidkasta oo jecel nabada Ceel afweyn halkan baanu ka taageeraynaa oo waanu garab taaganahay, dadka colaadaasi daminayana waxaan leeyahay guulaysta oo ragga kala celiya. Maalin walba nin baad dilayseen, haddaad wax goconaysaan oo aad leedihiin, hebel haloo aaro, hebelo kalaad waayaysaan. Waar ragga ha dhamaynina, waar ragga hambeeya oo Illaahay ka yaaba. Xukuumadda, labada gole qaran, culimada, waxgaradka iyo nin katsa oo wax garanaaya intaba waxa aanu leenahay, gacan bir ah ha lagu qabto Ceel-afweyn haddanay waano qaadanayn, gacanta haloola yimaado oo halala dagaalamo oo qoloda diidaysa ha la iskugu tago.” Ayay yidhaahdeen haweenweynaha gobolka Sanaag oo shalay baaq ay dirayeen isugu soo baxay magaalada Ceerigaabo