Dawlad Shacab Oo Isku Badashey Dictatorship. W/Q:Yaasiin Abdirahman Kaahin (xuubsiibte)

0
67

waxaa wax aad looga xumaado ah in dowladdii aanu ka fileynay waxtarka dhalinyarada iyo iney noo noqoto hogaan wanaagsan oo lagu daydo iney si kadis ah iskugu badasho dictatorship iyadoo raadineysa Dano gaara oo sakhsiyaad gaari leeyiin,

waxaannaan marnaba aqbali doonin falalkan guryahayagii ciidamo #RRU ahi ugu soo daadanayaan iyagoo ka hortagaya shir dhalinyaro ahaan aanu u qabsano oonu kaga tashanayno aayahayaga, waxa ayaan darro ah iney dawladu isku daydo aamusiinta dhalinyarada iyadoo xoog isticmaaleysa waxaanan leeyay sidaa ku aamusi meyno waxaanu ku aamuseynaa wax qabad Nala tuso markii horeba dhalinyaradu kamay hor iman jirin dowlada o waxay arkeysay horumarka socda laakiin imika waxaanu uga hor nimi dowladda waxaanu aragnaa somaliland iyo shacabkeedii oo god madow o gubanaya lagu sii ridayo mana yeeli doono in la dhibaateeyo mustaqbalkayaga, waxaan aad u cambaareynayaa falalka aadka u xun ee bilahan danbe dowladu lasoo baxdey oo ay ka mid tahay

yaasiinCabudhinta shacabka iyo saxafada,

Xadhiga aan loo meel dayin,

Kala qeybinta iyo isku dirka shacabka iyo golayaasha sharci dajinta iyadoo isticmaaleysa laaluush,

Iibka hantida guud ee qaranka iyo boobka maaliyada dowlada,

waxaan dowladda ku bogaadinayaa iney ka beydhaan wadadaa xun eey cagta saareen oo ah mid god madow ku rideysa aakhiro iyo aduunba, waxaan madaxweynaha kula talinayaa Nin weyn baad tahay Nin weynina waa samo talis e ha noqon tusaale xun oo aad u reebto naftaada iyo cidaad kasoo jeedoba, anagu dhalinyaro ahaan waxii aad nooga tagto wanaag iyo xumaanba waanu ku haynaynaa mustaqbalkana waxaanu kugu xuseynaa waxii dhaxala eed nooga tagto, waxaanan kaaga digayaa inaad farta dhexda ka qaniinto sidii siyaad barre waxna waad qabatey ee dadka ha ugu baddalin xumaan iyo dagaal, midna waxaan leeyay siyaasiyiinta kale waar wax subcad aad ku kasbataan oo hadhow leydinku xasuusto dhigta oo hankiina siyaasadeed aad ku gaadhaan, mid kalena waxaan leeyay beesha iyo ganacsatada uu kasoo jeedo madaxweynahu ilmaadeerayaal somaliland waa lagu wada noolyay meel gaara la tagi meysaan waxaad dhacdaan, waxaad dhacdaan iyo waxii aad geysataan wey idinka daba imaneysaa ee ha dhiganina wajji xun oo hadhow leydinku abaal mariyo kana hadla dhibaatooyinka taagan maanta madaxweynahana u taliya haddii kale waxay noqonaysaa wax waligiin idin daba socda oo somaliland aad kaga hulleeshaan, guntii iyo gabagabadii waxaan leeyay dowladda waxii aad iska xidhxidheen soo daaya raali galinna bixiya oo beelahaad isku dirteen heshiisiiya oo joojiya ciidamada aad dadka ugu hanjabeysaan midna niyada ku haya mar haddii mudahaar bilaabmo sida loo joojiyaa wey adkaanaysaa Nin kastoo wax haystana wey saameynaysaa dowladana waxaa loogu gali doonaa madaxtooyada wax kastoo aynu dhoobdhoobeynayna wey kala qubanayaan, waxaan idin kula talin lahaa inaad sii wadaan waxqabadkii aad waddeen ood joojisaan colaadaha.

Wabillaaahi tawfiiiq

Yaasiin Abdirahman Kaahin (xuubsiibte)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here