Dawlada Ingiriiska Oo Ka Hadashay Nash-qadda Dhisme Muunnadiisu Casri Tahay Oo Ay U Hirgelisay Ciidammada Qaranka Somaliland

0
14

Madaxa ciidamada boqortooyada ingiriiska ee Geeska Afrika oo soo bandhigay qorshaha loogu tala galay dhismahan.

 

Hargeysa(Hubaal):-Dawlada Ingiriiska ayaa faah faahisay dhisme casri ah oo ay u hir gelisay ciidamada qaranka somaliland.  Madaxa ciidamada boqortooyada ingiriiska ee wadamada Geeska Afrika fadhigiisuna yahay magaalada Adis Ababa Matt oo ka hadlay dhismaha ay u hir geliyeen ciidamada qaranka somaliland ayaa soo bandhigay qorshaha loogu tala galay dhismahan.

Kornayl Matt oo ka hadlaya dhismahan ayaa waxa uu yidhi “Xidhiidhka u dhaxeeya somaliland iyo Ingiriisku waa mid aad u qoto dheer oo soo jireen ah,  dhismahan aanu ciidamada u hir gelinayna waxa uu cadayn u yahay xidhiidhka somaliland iyo Ingiriiska.”

Kornayl Matt oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaanu rajaynaynaa inaanu hore u sii wadno xidhiidhkayaga anaga oo taageerayna dawlada Somaliland oo aanu u hirgelino mashaariic faa,iido badan u leh anaga oo si wada jir ah u wada shaqaynayna, waxaanan rajaynaa in dhismahani uu noqondoono mid ay ka soo baxaan saraakiil wax badan u tara somaliland.”

Taliyaha ciidamada qaranka somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo ka hadlay dhismaha ay u hir gelisay dawlada Ingiriisku ayaa waxa uu yidhi “Hawshan waxa qabatay oo kharashka ku baxay bixisay dawlada Ingiriiska, waana arin horu mar ah oo ku soo korodhay dhismaha ciidankeena  wax weyna ka tari doonta aqoonta saraakiisha oo la sii kordhiyo,

Wasiirka gaashaandhiga somaliland Ciise Axmed Yuusuf  ayaa dhinaciisa sheegay inuu rajaynayo in  faa,iidada dhismahani ka muuqan doonto ciidamada qaranka waxaanu yidhi “Waxaan uga mahad celinaynaa dawlada Ingiriiska inay bixiso kharashka dhismahan loo hir geliyey ciidamada difaaca, waana horu mar iyada oo aanu ahayn dhismihii ugu horeeyey, waana wax dhaxal gal ah oo aan rajaynayo in ka faa,iidaysigiisu ka muuqdo ciidanka iyo qaranimada somaliland.”

DAAWO: 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here