“Dawlada Jabbuuti Waa Inay Xushmeyso Xaquuqda Hadalka Ee Shacabka iyo Golaha Iyo Ururada Nabadeed”
Washington (Hubaal)- Dawlada Mareykanka ayaa cambaareysay rabshadihii dhawaan ka dhacay dalka Caasimada Jabuuti, isla markaana ugu baaqday si xorriyadooda u soo celiso xubnaha mucaaridka ah ee xidhan. Rabshadahan dalka Jabuuti ka dhacay ayaa la sheegay inay ku dhinteen 19-qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacantay, Inkasta oo ay dawlada Jabuuti beenisay tirada dadka ku dhintay rabshadaasi. War-saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka oo uu ku saxeexan-yahay Afhayeenka Wasaaradaasi John Kirby ayaa oo warbaahinta loo qaybiyey ayaa lagu dawlada Jabuuti loogu baaqay in xabsiga ay kasii deyso xubnaha mucaaridka ee la xidhey. Kirby, ayaa tacsi u direy ehalladii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmey weeraradii iyo rabshadihii hadheeyay caasimadda Jabuuti maalmo ka hor. Sidoo kale ayaa War-saxafadeedkan lagula socodsiiyay dowladda Jabuuti inay xushmeyso xaquuqda hadalka ee shacabka Jabuuti iyo golaha iyo Ururada nabadeed. “Waxaan ugu yeedheynaa dowladda Jabuuti iyo siyaasiyiinta inay sameeyaan wada hadal looga fogaado rabshado dhaca mustaqbalka,” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, kaas oo intaasi ku daray, in mucaaradaka iyo dowladdu ay dib u billaabaan wada hadallada nabadeed si loo xaqiijiyo inay dhacdo doorasho nabad galyo oo cad sanadka 2016. “Waxanu mar kale xaqiijineynaa taageerada aan u heyno wada hadalladan iyo ballan qaadka dowladda Jabuuti ee ku aaddan xoojinta dowladnimo dhameystiran iyo horrumar,”Ayuu lagu soo Afmeeray Warsaxafadeedkaasi.