Xuduudka dalkeena Somaliland hadii tawaangi AMISOM leedahay la soo tubo iyo hadii Ruushka xooga leh loogu yeedho cidi waxba ka qaadi mayso, hore ayey u soo arkaan reer Somaliland dagaalo iyo jab hadii uu wax taraayo.
Dalwad Xamar leedahay oo ka awood badan tii uu hogaaminaayey ina Siyaad bare miyey maanta joogtaa, dadkan Somaliland dawladaas oo xiligaa awoodeeda Afrika ku tijaabisa eyey daaqada kala baxeen oo ay ka yeeli waayeen aanu qasab idinku maamulno xaqdaro iyo cadaaladana ha soo hadal qaadina, maanta halkee laga dheelee xuduudka Somaliland ayaan ciidamo soo dhoobaynaa, adeer yaanu daadku idin qaadin.
Shacabka Somaliland maanta iyagoo dawlad iyo calan haysta cidi ku soo dhici mayso, diyaarna uma ah khalkhalinta amniga guud ee Geeska Africa, waxay mar kastay samo talis ka tahay xalinta khilaafaadka gayiga, laakin hadii ay taasi dhici weydo cidna uma daba fadhiisan doonto ilaalinta qaranimadeeda.
Yarka Xamar haysta ee habeenkii warbaahinta ka hadra miyaanay isku fiicnayn akhirska iyo qoraalka? Miyaanu lahayn la taliyayaal dhanka arrimaha siyaasada iyo geeska kala shawra? Anagu Somaliland ahaan hore ayaanu u nidhi Anagu xamar dooni mayno xumaana u gaysan mayno, xeerkii laba dawladoodliyo xuduudbaa naga dhaxeeya. Gobanimada reer Somaliland ay u dhasheen ayaa sidaas fartay, damiirkooda ayaa sidaa faray, nabada geeska in laga wada shaqeeyo diyaar ayey u yihiin shacabka Somaliland.
Xamar hadii maanta ay gubanayso Somaliland hore ayey u soo gubatay, ku dhawaad boqol kun oo rayid ah ayaa cagta laga mariyey wakhti kaliya, dulqaadkeeda iyo adkaysigeeda ayey yeesheeen, dawladnimo iyo calan ayey ku heleen, maanta xamdi Eebe ayey ku jiraan.
Halgamayaashii wadanka Somaliland xoreeyey maanta geesh ayey wataan, keligood maaha oo garab iyo gaashaan ayey heleen, dhaqaale iyo cudud milatari ayey haysteen, cidna uga baqi maayaan gobanimadooda godka ay kala soo baxeen. Somaliland guul iyo gobanimo ayaan leeyahay shacabkeedu meel kastoo uu kala joogo, goonyaha ka istaaga oo meel uga soo wada jeesta jiritaanka iyo ilaainta danta qaranka
W/Q: Weli Cabsiiye