duulaanka saxaafadda,duulaanka dhaqaalaha,duulaanka shuruucda,iyo dulaanka siyaasada.
- DUULAANKA SAXAAFADDA:
Dadka muslimiintu waxay leeyihiin diin iyo dhaqan soo jireen ah.kaas oo ku dhisan diinteena islaamka.
Sida iska cad dadka muslimiinta waxa lagu soo qaaday dagaal saxaafadeed ama qaybta media-yaha waad aragteen sida dhalinyaradeenii looga badalay dhaqankeenii suubanaa.
sideedabana dadka muslimiinta iyo dadka aan muslimka ahayn si-umawada dhaqmi karaan maxaa yeelay inagu waxaynu leenahay manhaj ay waajib inagu tahay in aynu raacno kaas oo ah kitaabkeena qur’aanka kariimka ah iyo axadiista nibigeena scw kuwaas ayaana inoo manhaj ah. Hadaba dhalinyaradeena wiilal iyo gabdhaba waxa laga rabaa in ay ku daydaan diinteena suuban ee islaamka ah. Shaqsiyaadka ay ku dayanayaan waa inuu ahaado dadka muslimiinta kuwoodii taariikhda fiican lahaa ama imikaba leh. laakiin taa badalkeeda waxay ku daydaan dhalinyarada gaalada ah siday u talaabsadaan, siday u xiirtaan, siday u labistaan iyo siday u dhaqmayaan intaaba waxay ka daawadaan shaashadaha tv-yada iyo bogogga internet-ka kuwa ay dhaqanka ka daawanayaanna waa dhalinyaro aan muslim ahayn dhaqan iyo akhlaaq foolxunna gudbinaya.Iyagaana maanta dhalinyaradeena macalimiin u ah. Markaa dhalinteenii waxay si fiican ugu foogan yihiin muuqaaladda iyo video yada fawaaxishka ah taas oo ay ka daawadaan bogogga internet-ka. Waxa halkaa kasoo socdaana waa dhaqankii iyo akhlaaqdii oo inaga fasahaadaya haddii aynaan qorshe cad iyo istaraatijiyad ka yeelan duulaankaa ka dhanka ah diinteena iyo qiyamkeena.
Mushkilada kale ee jirtaa waxa weeyaan sida dhaliisha loo sheegayo mid shaqsi,dawlad ama umad kuu doonaba ha ahaadee. Waa sax in loo tilmaamo ciddii wax ka qaloocdeen oo loo nasteexeeyo. Laakiin umadda muslimka ah iyo dadka aan muslimka ahayn waxay ku kala duwan yihiin siday wax u sheegayaan. Waayo diinta islaamku ma ogola in dadka sharaftooda iyo nasabkooda la xalaashado sidii la doonana wax looga sheego. waxaa laynaga doonayaa markay wax qaloocdaan in aynu uga fal celino si deenteena waafaqsan.Haddiise aynu ku milanno afkaaraha ay faafinayaan reer galbeedku waxaynu ku dhici god madow oo aynaan mahadin if iyo aakhirotoona.
2) DUULLAANKA DHAQAALAHA:
Dhaqaaluhu waa tiir ka mid ah tiirarka umadduhu ku taagan yihiin nolosha bini’aadamkuna kama maaranto dhaqaale. Hadaba waxaad moodaa in aynaan isba waydiinin dhaqaalaha iyo islaamka dawladaha islaamku waxay qaateen qaabka ay u dhisan yihiin dhaqaalaha reer galbeedku waana siday inaga doonayaan kuwa u ololeeya afkaarta reer galbeedka. Maanta dhaqaaleheenu wuxuu ku dhisan yahay nidaamka cashuuraha oo aynu ku dhaqano iyo dulsaarkii ood moodo in loo maatmaatinayo.Hadaba dhaqaalaha muslimku wuxuu ku salaysan yahay sakooyin diinteenu jidaysay kaasoo ah mid inooga faa’iido badan ama inooga waxtar badan waxa la doonayo in la inaga weeciyaana waa kaa. Markaa waa duulaan dhaqaale oo reer galbeedku inagu soo qaadeen sifiicanna umaynaan fahmin
3)DUULAANKA SHURUUCDA:
Bulsho kasta oo meel ku nooli kama maaranto sharci ay kula hagmaan. Haddii taa la waayana waxa xigaa waa iyadoo laysku xoog sheegto cidkastaana ciddii ay ka xoog roonaato u aabo yeeli waydo. Hadaba Illaahay waxa uu umaddiisa u soo dajiyay sharci ay kula baxaan waana diinteena suuban iyadaana inoogu filan in aynu isku xukunno. Waxaan iyada ahayna dadka muslimiinti kuma faa’iidaan cisi iyo sharaftoona ku heli mayno. Illaahayna waxa uu kitaabkiisa QUR’AANKA KARIIMKA ku yidhi ‘’qofkii waxaan diinta islamka ahayn wax ku xukumaa waa faasiq,waa kaafir,waa daalim’’ Illaahay swt markuu ina yidhi diintaa aan idiin soodajiyay isku xukuma wax ikhtiyaar ah inama siin in aynu qaadano iyo in aynu katagno. laakiin waa amar layna faray oo laynaga doonayo. Hadaba waxay maanta maxakamadaheena ama inta badan dawladaha islaamka ee laga doonayay in ay dadkooda ku xukumaan sharciga islaamka waxay qaateen qawaaniin ay dajiyeen bini’aadamku. kii Ilaahayna way ka tageen inyar mooyaane. Sida iskacad dawladaha reer galbeedku waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii ay aduunyada kale u gaadhsiin lahaayeen afkaartooda iyo waxay iyagu rumaysan yihiin. Hadaba miyaanay haboonayn in ay dawladaha islaamka ah iyo shacbi gooduba dib iskugu noqdaan isna qiimeeyaan halkay maanta marayaan
4)DUULAANKA SIYAASADA
siyaasadu waa hogaaminta ummada waana halka laga qiyaas qaato meesha loo socdo. Dadyawgu waxay ku kala horumaraan hadba sida ay tahay hogaaminta dadka madaxda u ah kartida iyo aragtida ay leeyihiin. Hogaamiyaha qaaday masuuliyada ummada waxa looga baahan yahay in uu ahaado shaqsi iska difiicikara danaha shisheeyaha ee aan ka turjumayn danta ummada uu masuuliyadeeda qaaday.dalkasta oo kamid ah dalalka caalamka waxa uu leeyahay maslaxado u gooni ah iyo qaar ay wadaagaan dalalka kale. Hadaba maanta waxaynu arkaynaa dalal badan oo sadbursi doon ah. Sadbursigaasi waxa uu ku salaysan yahay kaa xoogrooni. Dawladaha muruqa is biday ee maraykanka hormuudka u yahay waxay doonayaan in ay ku amar ku taag leeyaan dawladaha awoodoodu yar tahay siiba kuwa islaamka. waxaynu arkaynaa in ay maanta holcayaan dalal badan oo islaam ah sida Syria, Libya, Afghanistan, Iraq, Yemen, maser, Somalia iyo dalal kale oo muslim ah. Dhibta maanta ka taagan dalal kaasi waxa qayb weyn ka qaata wadamadaa xooga is biday siiba wadamada reer galbeedka ee maraykanku hormuudka ka yahay. Waxa kale oo iyana qayb ka ah tigtaytaro iyo boqortoo yooyin ay xariiq u jeexaan kii ka baydhana koox kale ay ku kiciyaan. Ama igaaba toos u weerara. Waxa marar badan dhacda in ay dal kale muwaadiniintiisa dilaan iyagoon cidna wax ka waydiin ama aayar iska qaata oo xabsi gashada. Dawladaha muslimka ah waxa laga rabaa in ay u madax banaanaad dhamaanba hawlahooda siday amnigooda u ilaashanayaan iyo ciddii cadaw ka dhiganayaan, dhaqaalahooda siday u dhisanayaan,sharcigay isku xukumayaan, siday milatarigooda u dhisayaan iyo cidkasta oo xidhiidh diblamaasiyadeed ay la yeelanayaan ama xulufaysanayaan. Muwaadiniinta mulslimiinta ahi waxay arka yaan faragalinta ay ku hayaan wadamada shisheeye ee aanay isku maslaxada ahayn, waxay arkayaan wadamadii muslimka ahaa oo aan wax towfiiq ah lahayn midwaliba ku xidhan yahay dal shisheeye. Waxay arkayaan duliga,darxumada iyo tamar daraanta ka muuqata mujtamaca muslimka ah iyo sida ay iniba meel ugu hayaantay waxay arka yaan hablahoodii,hooyooyikood,caruurtoodii,aabo yaashood siday ugu silcayaan wadamada shisheeyaha ee aan waliba muslimka ahayn. Waxay maanka ku hayaan sida aanay waligood muslim iyo gaal u hashiinayn isku maslaxadna u noqonayn. Siday sharafta iyo cisiga u lahaan jireen. Siday iyagu gacanta sare u lahaan jireen. Siduu caalamku uga cabsan jiray. Taas ayaa sababtay iska hor imaadada dhacaya maanta
By CUMAR AXMED CALI.
TEL;0634244802