By: Dr.khadar-Libaaxley
Murti baa aheyd waxaan la hureyn horaa loo yeelaa !! 200 sanno ee u dambeeyey somalida talladeeda iyo siyaasadeedu guud ahaan hoos ayey u socotay oo meel sare ayey ka soo dhaceysay illaa ay soo taabaneysay taxadka hoose yoolka guud ee ay sidaa u noqotay waxkale maaha kaliya waa istiraatijiyada arimahan waliba marka aad milicsato taariikhda aad dareemi karto in wax-waliba u socdaan sidii gacmaha shisheeye ugu tallo galeen:
Gumeystihii reer galbeed oo ingiriis hormuud u yahay waxa uu qorshe la fuliyo iyo qabeyn murugsan meel uu dhigay in loo diyaariyo soomaalida sidii ay u noqon la haayeen dawlado ay wiiqan tahay tamar-tooda dhaqaale, ciidan iyo saameyn intuba, isla markaana fadaraal buuxa ama midow la noqda dawlada Ethiopia dhanka kalena keena-yeel buuxa u noqon la haayeen reer galbeedka iyo xulafo ay leeyihiin iyagu.
Sooyaalka tagtada shaley iyo maanta muuqaalkooda guud:
- Carabta khaliijka iyo bariga dhexe oo boqortooyada sucuudigu hormuud u yahay waxa ay mabda’ahaan geeska afrika iyo somalida ka taaganyihiin in dhulka iyo dadkuba yihiin ( ardul-xabash ) si lamid ah eray bixinta ( jasiiratul carab ) oo kale oo aaney jirin wax layidhaahdo dhulka soomaalida; Nimanka tan aaminsan waa cida kaliya ee miciin iyo marag ba aynu cid walba horteed bidno.
- Ethiopia aragtideeda somalida: waxa ay taagantahay mawqifka aragtidii boqor xayle salaase uu yidhi mar uu booqanaayey dhulka ogaadenia 1959: On Aug. 25, during a visit to the Ogaden, Ethiopi an Emperor Haile Selassie said: “We remind you, finally, that all of you are by race, color, blood and custom, members of the great Ethiopian family, As to the rumors of a Greater Somalia, we consider that all the Somali peoples are economically linked with Ethiopia, and therefore, we do not believe that such a state can be viable standing alone, separated from Ethiopia.”
- Ingiriis soomaalida sida uu la damacsanyahay : ingiriis oo ah gumeystaha ugu baaxad weyn ee qaybsaday Bariga afrika, khaliijka iyo waqooyiga afrika gaar ahaan dalalka ( masar, sudan, south-sudan, Somaliland, Kenya, Uganda , Somalia , Eritrea iyo ethoipia gaar ahaan na saddexda dal ee u dambeeya waxa la wareegay xulafadan ( anglo-american) kadib markii ingiriis iyo xulafadiisu ololihii geeska afrika ku jabiyeen talyaaniga Italy November 1941) xiligii uu socday dagaalkii 2aad ee dunida saameeyey; wixii ka dambeeyey 1941 markii uu ingiriisku si buuxda u wada hantiyey geeska afrika waxa uu badaley aragtidiisii hore , waxa ku dhalatay hindisaha qorshe cusub oo uu soomaalida iyo dhulkeeda uga gol-leeyahay siyaasad ku dhisan danaha mustaqablka ingiriiska iyo xulafada reer galbeedka hidisaha xogtaasi oo faahfaahsan waxa aad ka bogan kartaa buugaagta ingiriisku ka qorey geeska afrika balse si kooban oo mucdii ah qorshahaasi waxa uu u dhignaa sida tan: ( Distinguished Scholars and friends, ladies and gentlemen, I belong to the generation who had the chance of witnessing the independence of former British Somaliland on 26 June, 1960, and former Italian Somalia on 1 July, 1960 and their union forming the young republic of Somalia in 1960. These were only two parts of the missing Somali territories and I hope the rest will also join. I am still, as some people call me, “obsessed” to see that happen someday.
I wish that my fellow Somalis, wherever they may be, to remember the proverb: “Far Keli geeda Fool ma Dhaqdo”. (A single finger cannot wash face).
It was the British Foreign Secretary, Ernest Bevin, who proposed the Somali territories to be united in 1946 and the creation of Greater Somaliland. Prior to the announcement of his famous ‘Bevin Plan’ at the British House of Commons on 4 June 1946, the British Foreign Secretary made his original proposal at a meeting of the Prime Ministers held in London on 28 April 1946. By Professor I. M. Lewis who wrote The Books and the Articles on the culture of the Somali society and the history of the country.
- Mudane akhriste sida uu tibaaxayo buuga la yidhaa ( Horn of Africa : the British Set up and the Kissinger switch ) waxa uu dhigayaa in burburkii Somalia ay kulug la haayeen ( Anglo-American) u jeedkiisuna ahaa dib u qaabeyn cusub, hadaba wixii ka dambeeyey 1991 , geeska afrika waxa ku dhashey 2 dal oo cusub, eratrea 29/may/1991, south sudan 8/ jully / 2011, laba-doodaba waxa gumeystay ingiriis oo waliba qaadey masuuliyada aqoonsigooda markii ay timiday dooda qaramada midoobey, hadaba inaga oo isku duruuf aheyn dalka eratariya , waliba muujinay hab-dhaqan ka doorasha xor iyo xalaasha ah ee afrika badankeed loogu maaro la’yahay illaa maantana aan heynin wax aqoonsiya, miyaaney kuula muuqanin in aan la ina aqoonsan kari waayine ; ingiriis waxa uu rabaa in uu hirgaliyo qorshihiisii midnimo soomaaliyeed?!! Hadii uu sidaa xaalku yahay maxaynu isla-yeel-yeelaynaa oo aynu u garan la’nahay danteena oo ah raadcada ururinta soomaali oo dhan iyo fadaraal la sameynsiga itoobiya?!!.
Gunaanad iyo gabogabo :
Wali dalalka dunida kamey dhicin dal cunaqabateyn ay saarneyd 30 sanno, cunaqabateyn dhanka dhaqaalaha, difaaca / ciidanka iyo walida dhanka dhoofka ; taasi waxa ay ku tusinaysaa in loogu tala galey soomaalida mariyo dariiq dhudhub ah oo ay diidanyihiin in la mariyo, sida xoolo ka soo maagaya dariiq in ay maraan oo kale balse hab gees garaac ah lagu marinaayo oo kale meeshaasi meel kale maaha waa (ethoipia) liciifinta intaa leeg soomaalida waxa loogu sameynayaa in timaado taariikhda socota maalin soomaalida iyo ethoipians ku is-ur ogolyihiin si ay wada-jir u macaashaan.
Qof ahaan waxa aan qabaa in soomaalidu ka baxdo fikirada ku dhisan nacaybka aan xikmadeysnayn isdiidooyinka aaney dani ku jirin oo loo diyaar garoobo midow guud oo geeska afrika ka curta iyo midnimo isir soomaaliyeed kaasina iman maayo illaa cidkale soomaalida soo dhexgasho mooyee, si dawladaha soomaalida iyo itoobiya u wada macaashaan isla markaan barwaaqo sooran loo gaadho dhan-walba waa in la soo dhaweeyaa tallaabooyinka horu-socodka ku dhisan ee itoobiyo gardaadinayso, isla markaana dawladaha soomaalida iyo itoobiya ku midoobaan hab fadaraal ah oo la mid ah kan yurub.
Soomaalidu intay dib isku taageyso hala yimaadaan aragtiyo yoolkoodu yahay in ay adisabab ka talliyaan isla markaana dhaqanka soomaalida iyo diinta islaamka ku fidiyaan itoobiya inteeda kale.
Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts