Dawladda Austria oo ansixisay sharci ka soo horjeeda Islaamka iyo Muslimiinta kunool si weyn uga biyo diiday

0
24

Vienna (Hubaal)- Waxaa Maanlintii Shalay Ahayd wadankan Austria laga ansixiyey sharci loo bixiyey sharciga Islaamka oo ay xisbiyada waaweyn ee loo hanweynaa siyaasadahoodu isugu tageen hirgelintiisa, Sidoo Kale Waxa sharcigaasi hoosta ka ogolaadey ururka islaamka ee wadankan iyadoo isla garabka dhalinyarada ee ururkaasi diidmo qayaxan kala hortageen Xeerkaasi “waxaa aanu u haysanaa hadaanu nahay muslimiinta ku nool Austria in uu yahay sharcigani mid aan dhowrin xuuqal insaanka ay yurub in badan ku faanto kanasoo horjeeda wada noolaanshaha dunida casriga ahi ku degen tahay dunida oo dhan”.

 austria

Sidoo Kale Sharcigan waxaa ku jira qodobo Ay Aad uga qayliyeen Umadaha Islaamku, sida in la mabnuucay in iimaanada iyo masaajidadu ay dhaqaale ka helaan wadamada dibada sida Turkiga oo dad badani halkan ku nool yihiin, iyo sucudiga oo dhaqaale ku bixiya masjidka ugu weyn iyo maktabada aadka u weyn oo ku taala Magaalo Madaxda Wadankan Austria Ee vienna.

Dhanka kale arintan waxaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey muslimiinta ku nool guud ahaanba wadankan austria iyagoo qaarkood ku tilmaamay takoor toos ah oo islaamka si gaar ah loogu weeraray sababta oo ah sharcigani waxaa uu khuseeyaa uun diinta islaamka, sababta oo ah kiristaanka iyo yuhuuduba dhaqaale wey ka helaan wadamada dibada lamana taaban tooda.

Arintan ayaa noqonaysa nasiib darro ka timid xisbiyada waaweyn ee ay ka mid yihiin SPÖ iyo ÖVP oo ay ku kaceen kuna dileen sumcaddii wadankani ku lahaa dunida Islaamka waayo Wadankan Austria waa wadankii ugu horeeyey ee aqoonsada jiritaanka diinta islaamka muddo laga joogo 100 sano laga soo bilaabo 1912-kii xiliyadii boqortooyaddii Habsburg ay dalka ka talin jirtey, oo uu boqor ka ahaa berigaa boqor Franz Joseph, sababta suurta geliseyna ay ahayd in boqortooyadu lahayd oo ka talin jirtey qaybo waaweyn oo muslimiin degenaayeen waana dhulka maanta loo yaqaan Bosnia iyo Herzogavina dalkan oo berigaa xukumi jirey dal aad u balaadhan oo ku fadhiya qaybo yurubta bari iyo ta galbeedba ah waxaa ilaa berigaa lagu tilmaami jirey oo maantada la sheegaa in aan Austria islaamku usoo guurin laakiin taariikhdiisa ka mid yahay oo Islaamku Austria kamid yahay.

Hadaba nasiib darro taariikhdaa dheer ee Islaamku Austria ku lahaa waxaa lagu bedeley muddo yar oo kooban iyadoo aan laga fikirin dhibaatada dhaqan iyo dhaqaale ee wadanku kala kulmi karo go’doominta muslimiinta, waxaana arrinta soo dedejisey firkanaxa shilal argagixiso oo yurub ka dhacay Mudooyinkii udambeeyey iyo ISIS-ta fadqalalada islaam ceebeynta ah ka wada shaam, Balse waxa xusid mudan In boqolsano oo taariikh fiican oo wada noolaansho ahi ay soomartay dadyowga tirada badan ee aaminsan diimaha kala duwan ee ku nool wadankan austria balse may ahayn in taariikhdaa fiican lagu bedelo hubsiimo la’aan maalmo kooban.

Guuleed Muxumed Ibraahim (Guuleed Yare)

Vienna Austria

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here