Dawladda Djibouti Oo Dekadeeda U Qorsheynaysa Inay Noqoto DUBAI-da Mandaqada, Cidda Maalgelinaysa iyo Dayaca Marsadeena Berbera

0
27

 Hargeysa: (Hubaal)-Dawladda Dalka Djibouti oo kamid ah Dalalka Geeska Afrika, ayaa wadda dhaqdhaqaaqyo ay ku dardargelinayso sidii ay u dhisan lahayd Deked caalami ah oo la tartanta Dekedda Dubai oo haatan caalamka dhaqdhaqaaqiisa qaybo kamid ah xukunta. Djibouti oo muddo sannado ah soo ahayd saldhig militeri oo maraykanku  ciidamo iyo agab militeriba dhigto, ayaa doonaysa inay ka faa’iidaysato Buqcadda istaraatiijiga ah ee ay ku taallo, maadaama ay marin u tahay Maraakiib badan oo dunida u kala gooshaysaa.  dekedSaleebaan Axmed oo katirsan Maamulka Sare ee Dekedda Djibouti oo u warramay qubanaha VOA-da, ayaa si cad u  sheegay inay maanka ku hayaan inay fursadda ay haystaan ka faa’iidaystaan, isla-markaana ay maanka ku hayaan sidii ay xataa tartan ula geli lahaayeen Dekedda Dubai oo haatan ah isku xidhe dunida muhiim ka ah,  “Markasta waxaanu aamminsanahay in Jabuuti ay tahay bartii Kullanka iyo Wax is-dhaafsiga waana ka dhabeen doonaa arrintaas, waxaanu gaari doonaa Dubai iyo Sigbur” ayuu yidhi Saleebaan Axmed.   Jabuuti ayaa haatan ah deked Itoobiya ay adeegsato, waxaana labada dal ay sii kordhinayaan xidhiidhkooda ganacsi iyadoo Ethiopiana si weyn ugu xidhan tahay Dekedda Djibouti.  Sida wararku sheegayaan waxa horumarka iyo ballaadhinta la doonayo in lagu sameeyo Dekedda Djibouti gacanta ku haynayaa Shirkado u dhashay waddanka Chine, waxana haatan duleedka Caasimada Jabuuti  lagu  arkayaa shaqaale Shiinees oo ku howlan dhismaha jidka Tareenka ee isku xidhaya Jabuuti iyo Itoobiya oo sannado badan xidhnaa waxaana ku baxeysa afar Milyan oo dollar mashruuca tareenka.  Jabuuti ayaa rabta dhulka, cirka iyo baddaba isku xidho Afrika iyo Aasiya sida uu sheegayo Abuukar Cumar Haaddi oo ah guddoomiyaha dekeddaha Jabuuti oo la hadlay VOA-da.  “17 dal oo bilaa bad ayaa ku jira ururka Comesa ee koonfurta iyo Bariga Afrika, waxaana ku nool afar boqol oo malyuun oo qof una baahan dekedda u adeegta kuna xidha caalamka intiisa kale” ayuu yidhi Haaddi.  Dekedda Jabuuti ayaa haatan waxaa adeegsada 90-Milyan oo qof oo ku nool Itoobiya, laakiin Jabuuti waxay dooneysaa in ay u addeegto qaaradda oo dhan, iyadoona dhiseysa Garoomo diyaaradeed iyo dhul weyn oo warshado loogu talagalay.  Shiinaha ayaa maalgalinaya 14 mashruuc oo waaweyn oo ay ku baxayaan lacag gaadheysa 15-bilyan oo dollar, laakiin dadka qaar ayaa ka shakki qaba mashaariicdan iyadoo ku dhawaad kala badh dadka reer Jabuuti ay shaqo la’yihiin tiradaas oo lagu qiyaasay 43% isla markaasna saboolnimo baahsan ay halkaas ka jirto, sida uu faah-faahinayo Ducaale Ciye Coofle oo ah muddane mucaarad ah oo baarlamaanak Djibouti katirsani.  “Markii hore waxaan ka ammaahan jirnay bangiga adduunka iyo hey’addaha reer galbeedka, waxayna ku lee yihiin lacagtaas amaahda ee aad qaadatay uma baahnid ama sixun ayaad u isticmaashay, laakin imminka Shiinaha waxaan ka soo qaadaneynaa Ammaahda ugu badan ee suurtagalka ah iyaga ayaana maamulanaya annagu wax tallo ah kumaba lihin” ayuu yidhi Coofle.  Siddaas oo ay jirta haddana dowladda Jabuuti ayaa kalsooni ku qabta kobaca dhaqaalaha Afrika iyadoo dooneysa in ay taasi ka faa’ideysato si ay u noqoto Dubaayda geeska Afrika.  Dhinaca kale Dekedda Berbera oo iyadu ah isha dhaqaale  ee somaliland, ayaa u muuqata mid meel cidla ah iska taagan, iyadoo muddo dheer aan wax dibu-habayn ah lagu samaynin, waxana goor horeba dhaafay dekedo badan oo ay tartan kula jirtey.  Dhawaan ayaa la dareemay dhaqdhaqaaqyo xukuumaddu waddo oo la xidhiidha maalgashi caalami ah oo dekedda lagu sameeyo, taas oo haatan wafti madaxweyne siilaanyo hoggaaminayaa arrimo aan tan ka fogayn u joogaan Dalka imaaraadka carabta, balse ma jirto wax natiijo horumar leh oo kasoo baxday isku dayo la doonayo in shirkado imaaraadka laga leeyahay ay maalgashi ku samaystaan Dekedda Berbera.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here