Dawladda Ethiopia Oo Ka Hadashay Aragtidooda Dib-U-Dhaca Doorashooyinka Somaliland Iyo Iskaashiga Labada Dal

0
68

Addis Ababa(Hubaal)-Dawladda Ethiopia, ayaa ka hadashay aragtideeda ku aadan dib u dhaca doorashooyinka Somaliland iyo xidhiidhka ganacsiga iyo amniga ee u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia.

Qoraal lagu baahiyay barta Internet-ka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Ethiopia, ayaa lagaga hadlay kulan dhexmaray Wasiirka Khaarajiga Somaliland iyo wasiirudawlaha arrimaha dibadda Ethiopia, waxaana lagu sheegay in Ethiopia soo dhaweynayso Go’aanka Komishanka doorashadu ku cayimay wakhtiga doorashada ee ah 1-da June sanadka dambe.

itoobiyas7somaliland

“Ambassador Berhane (Wasiirul-dawlaha Khaarajiga Itoobiya) waxa uu soo dhaweeyey go’aanka (Komishanku) ka gaadhay muddada doorashooyinka Somaliland, waxaannu sheegay in Itoobiya taageerayso kobcinta nabadda iyo xasilloonida, iyadoo la adeegsanayo wadahadal,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya.

Dawladda Ethiopia ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in Wasiir Maxamed Biixi Yoonis u sharaxay dib u dhaca doorashada Somaliland “Maxamed Biixi Yoonis (Wasiirka Khaarajiga Somaliland) waxa uu uga warramay Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya dib-u-dhaca doorashooyinka Somaliland, waxayna Komishanka Doorashooyinku dhawaan ku dhawaaqeen in doorashooyinka madaxtooyada (iyo Golaha Wakiillada) dib uga dhaceen waqtigoodii ilaa bisha June ee sannadka soo socda.”

“Ambassador Berhane waxa uu si xooggan u muujiyey baahida loo qabo in la helo hannaan ama hab lagaga hortago xeeladaha ururrada xagjirka ah ee mandaqadda Geeska Afrika ku xadaan, kuna duufsadaan da’yarta,” ayaa lagu yidhi qoraalka lagu baahiyey bogga internet-ka ee Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya.

Sida oo kale,Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, ayaa kala hadlay Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya walaaca dhinaca bani’aadanimo, ammaan iyo dhaqaale ee ka dhalan kara qulqulka qaxootiga dalka Yemen ee yimi Somaliland, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay ka taageeraan Somaliland arrimahaas oo uu xusay inay yihiin xaalado saamayn guud yeelan kara.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here