“Ethiopia Iyo Eritrea Waxay Leeyihiin Xidhiidh Soo Jireen Ah Waxaana Ugu Muhiimsan Dhinaca Dhaqanka Iyo Dhiigga”
Addis Ababa(Hubaal)-Dawladda Dalka Ethiopia, ayaa shaacisay markii u horraysay in ay diyaar u tahay wadahadal ay lagasho Ereteria oo dagaal waqti dheer qaatay uu ku dhaxmaray sagaashanaadkii deegaanka Baadhama ee bariga Ethiopia oo ay dhacdo xuduuda ay wadaagaan labada dal. War rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in ay baaq nabadeed u dirayaan dowladda Eereteria si loosoo geba gabeeyo colaadda daba dheeratay ee labada dal u dhaxaysa. Fitsum Arega oo ah madaxa xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia, ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadda Cusub ee Addis Ababa ay wax ka bedelayso siyaasaddii ay kula dhaqmi jirtay dariskeeda, isla markaana ay ugacan haadinayaan Asmara. “Ethiopia iyo Eritrea waxay leeyihiin xidhiidh soo jireen taariikhi ah waxaana ugu muhiimsan dhinaca dhaqanka iyo dhiigga. Dhibaatada labada dhinac kasoo gaadhay colaadda waa wax aan laqiyaasi karin geeddi socodka nabaddu waa la bakhtiiyay taas waa in ay isbedeshaa, oo hadda Ethiopia waxay ku baaqeysaa wadahadal dhab ah” sidaas waxaa yidhi Fitsum Arega oo u hadlay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia.