Muqdisho (Hubaal) – Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa soo dhaweeyay magacaabista uu Madaxweynaha Mareykanka Obama u soo magacaabay safiirka dalkiisa u fadhiyi doona Soomaaliya, Katherine S. Danani oo noqonaysa tii ugu horreysay oo Soomaaliya loo soo magacaabo muddo 24-sano ka badan.
Haweeneydan danjiraha uu u soo magacabay Madaxweyne Obama ayaa la sheegay inay muddo dheer ka shaqeynaysay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, iyadoo sidoo kale la sheegay inay siyaasadda Afrika aqoon dheer u leedahay isla-markaana ay ka soo shaqeysay dalalka Tanzania, Congo, Koonfur Afrika iyo dalal kale.
“Tallaabadani waa mid aad muhiim ugu ah xilligan xidhiidhka ka dhexeeya dalka Soomaaliya iyo Mareykanka, waana mid horay u sii wadaysa qorshayaasha lagu doonayo in Somalia ay ku hesho, xasillooni, deggenaasho iyo isku fillaasho,” ayuu yidhi ra’iisul wasaaraha Somalia Sharma’arke.
Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya u aqoonsaday dowlad rasmi ah 2013-kii, xilligaas oo ay Somalia ka baxday dowladihii KMG ahaa ee ka talinayay muddooyinka sannadaha ah.
Xukuumadda Washington ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyo badan, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay uu Madaxweyne Mareykanku ah u soo magacaabo safiir Soomaaliya tan iyo markii ay Somalia gashay colaadaha sokeeye.