Dawladda Holland oo Taageertay Horumarka Xukuumadda Somaliland ku Tallaabsatay

0
22

Safiirka dalka Holland u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo sheegay in dawladiisu ayidsantahay horumarka maamulka iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ee xukuumadda Somaliland

Hargeysa (Hubaal)- Dawladda Holland (Netherland), ayaa taageertay horumarka xukuumadda Somaliland ku tallaabsatay, iyadoo ka hadashay sababta ay ugu soo biirtay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee dalal ka tirsan Midowga Yurub ku shubaan mucaawanooyinka ay siiyaan Somaliland.

Safiirka dawladda Holland u qaabilsan dalalka Kenya, arrimaha Soomaaliya (Somaliland iyo Soomaaliya) iyo Jasiirrada Seychelles, fadhigiisuna yahay magaalada Nairobi Ambassador Joost Reintjes oo ka hadlay kulan casho sharaf ahaa oo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ugu sameeyey xarunta Madaxtooyada habeenimadii Isniintii, waxa uu sheegay in dawladda Somaliland horumar la taaban karo ka samaysay adeegyada bulshada, sidaasi darteedna dawladdiisu go’aansatay ku biirista sanduuqa horumarinta Somaliland oo uu ku tilmaamay mid ku habboon in maalgelinta loo soo mariyo.

 DSC_0047

War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo safiirka dawladda Netherland oo lagu faahfaahiyey ujeeddadiisa, waxa uu u qornaa sidan;

“Safiirka Netherland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Joost Reintjes waxa uu caawa qasriga madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) si uu muujiyo taageerada dawladda Netherland ee ku waajahan Somaliland. Isaga oo ka hadlaya munaasibad qasriga madaxtooyada lagu qabtay ayuu safiirku si weyn u soo dhoweeyey xidhiidhkan sii kocbaya ee Somaliland iyo Netherlands.

Dawaldda Netherland ayaa dhowaan ku soo biirtay dalalka taageeraya Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) taas oo kordhinaysa tabarucaadka horumarineed ee laga fulinayo Somaliland. Sanduuqa Horumarinta Somaliland waxa uu ka caawinayaa dawladda Somaliland hirgelinta qorshayaasha shanta sanno (NDP) ee sannadaha 2012 – 2016 iyo caawimooyinka gaarka ah ee Somaliland loogu talogalay. Sanduuqa waxa loogu talogalay in uu yareeyo baahiyaha dhanka caawimada ah iyo inuu siiyo dawladda lahaanshaha qaabka iyo goobaha lagu isticmaalayo deeqahaas.

Safiirka oo ujeeddada safarkiisa ka hadlaya waxa uu yidhi, “Safarkayagu waxa uu ka tarjumayaa sida xooggan ee dawladda Netherland ay ku doonayso inay taageerto Somaliland. Waxannu ayidsannahay dedaallada dawladdu samaysay ee welina samaynayso si loo xoojiyo maamulka iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah. Waxaannu u aragnaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) hab lagu taageerayo dawladda Somaliland dedaalladada ay ugu jirto inay gaadho ahdaafta iyo hiigsiyada horumarineed ee qarniga (MDGs) iyo taageeridda sida ay uga go’an tahay in la helo nabad waarta, deganaansho iyo horumar. Waxan kale oo ognahay in sanduuqani yahay qaabka maalgelineed ee ay doorbidayso Somaliland ee lagu sheegay mucaawanooyinka gaarka ah ee Somaliland loogu talogalay (Somaliland Special Arrangement).”

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waxa uu taageerayaa xasilloonida iyo barwaaqada Somaliland. Si arrimahan loo gaadhona, waxa muhiim ah in shacbigu helaan adeegyada aasaasiga ah iyo in dawladda iyo shacbigu yeeshaan xidhiidh joogto ah, iyadoo la marayo habab cad oo isla xisaabtan leh. Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talogalay in lagu caawiyo dawaladda Somaliland, kaas oo socon doona muddo afar sanno ah. Sanduuqa waxa loogu talogalay inuu qayb ka noqdo qorshaha shanta sanno ee dhinaca horumarinta Somaliland. Sanduuqa waxa maalagalinaya hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dawalda Ingiriiska (DFID), hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), dawladaha Norway iyo Netherlands,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedkaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here