Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Muran Cusub La Cugatay Tagsiileyaasha Iyo Lacago Aan Qiil Loo haynin Oo Si Khasab Lagu Qaadayo

0
42

Muranka Taksiileyaasha Oo Ku Biiraya Kii Wershedleyda Oo Aan Weli Xal Loo Haynin Iyo Bulshada Oo Fahmi La’ Hammuunta Dawladda Hoose Lacagta u Qabto Xilli Aanay Hirgelinin Dhismaha Hal Parking Oo Caasimaddu Yeelato

gaadhi tukhaan

Hargeysa:(Hubaal)-Masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa markale muran ballaadhan oo u dhexeeya iyaga iyo wadeyaasha gaadiidka yaryar ee DUKHAANTA loo yaqaanno abuuray, kadib markii ay si aan ka fiirsasho lahayn u waajibiyeen lacago si joogto ah loogu qaadi doono gaadiidkaas.

Wadeyaasha gaadiidleyda DUKHAANTA, ayaa shalay mudaharaad ballaadhan iskugu soo baxay, kaas oo ay kaga cabanayaan lacago ay sheegeen inaan xaq loogu lahayn oo ay dawladda Hoosee ee Hargeysa kusoo rogtay, taas oo marka hore hal mar laga qaaday 55,000(shan iyo konton kun)oo lacagta Somaliland ah, isla markaana si bille ah marka dambe looga qaadi doono gaadhigiiba 15000(shan iyo toban kun) oo lacag ah.

Mudaharaadkan oo laga dareemay magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay gaadiidleydani isugu soo baxeen dhinaca Bari ee magaalada Hargeysa, waxana ay gaadiidkooda dhigteen goob barxad ah, iyada oo muujiyey sida ay uga xun yihiin lacagaha aan qiilka loo samaynin ee lagu soo rogay, iyada oo ay xusid mudan tahay inay gaadiidkaasi la’yihiin goob ay istaagaan oo ay ku sugaan dadka rakaabka ah ee u shaqeeyaan.

Qaar kamid ah gaadiidleydaas oo dadka kula hadlay goobta ay ku mudaharaadayeen, ayaa shaaciyey inay ka shaqayn kari la’yihiin ciidamo ka amar qaata dawladda Hoose ee Hargeysa, kuwaas oo waddooyinka taagan oo gaadiidka shaambado ku dhufanaya, isla markaana si khasab ah kaga qaadaya lacago aan weli meesha ay ku dhacayaan iyo sida loo waajibiyey aan la caddaynin, “waxa shaqadayadii cidhiidhi gelisay caqabado dawladda Hoose ee Hargeysa nagaga imanaya, waxana naloo adeegsanayaa ciidamo Boolis ah oo lacagta nalaga qaada la siinayo, Maayarka caasimadduna waxa uu nagu dhejinayaa shaambado ay lacag nalagaga gurayaan iyada oo aan naloo haynin goob istaan ah oo aanu istaagno, qofka marka calaamad loo sameeyona sida dunida looga dhaqmo waa in la siiyaa goobtii uu ku hawlgeli lahaa, laakiin annaga dawladda Hoose meel aanu istaagno nooma hayno”sidaas waxa yidhi mid kamid ah gaadiidleydaas oo u warramay Telefishanka HCTV.

Wadeyaasha oo hadalkooda sii wata, ayaa sheegay inay tallaabadaas u arkaan tacaddi iyo sharci-darro, isla markaana aan xaq loogu lahayn lacagaha la weydiinayo ee sida khasabka ah lagaga qaaday, waxana mid kamid ah wadeyaashu uu yidhi, “waxa nalaga qaadaa 55,000(shan iyo konton kun) oo aanu baad u aragno, ciidamada dawladduna way nagu tacaddiyayaan oo lacago aanay xaq naloogu lahayn bay naga qaadayaan, buuggayaga iyo liisamadayaduna way noo cashuuran yihiin oo wax cashuur ah nalaguma laha.”

Doodda iyo muranka u dhexeeya dawladda Hoose ee Hargeysa iyo gaadiidleyda DUKHAANTA, ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xilli ay weli taagan tahay dooddii iyo is-mari waagii dhexyaallay dawladda Hoose iyo weyshedlayda biyaha iyo sharaabka soo saarta, kuwaas oo weli ku jira shaqo joojin ay muddo bilk u dhaw ku dhaqaaqeen oo ay kaga cabanayaan lacago cashuuro lagu sheegay oo ay dawladda Hoose ee Hargeysa ku waajibisay.

Dhibaatada ugu weyn ee maanta haysata gaadiidka DUKHAANTA ee caasimadda Hargeysa ka ganacsada, ayaa ay inaanay haysanin meel loogu soo hagaago oo ay istaagaan, taas oo ahayd shaqadii looga baahna inay dawladda Hoose qabato, balse waxa haatan bulshadu su’aalo badan ka keenaysaa inay dawladdii Hoose gaadiidkan lacago weydiiso, xilli aan loo haynin meeshii ay istaagi lahaayeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here