Dawladda Imaaraadka Carabta Oo Tababaraya Ciidammada Somaliland

0
33

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Ayaa Wareysi Uu Siiyay Wakaallada Reuters, Kaga Hadlay Mashaariic Dhaxalgal Ah Oo Dawladda Imaaraadku Ka Fulinayso Somaliland

Dubai (Hubaal) Dalka Imaaraadka Carabta  ayaa tababari doono Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo qeyb ka ah heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Millateri ee Imaaraadka Carabtu ka sameysanayo  magaalo xeebeedda Berbera, siday warisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA  oo soo xigatay waraysi uu  madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi  siiyey wakaallada wararka  ee Reuters.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa wareysiga uu Reuters ku siiyay Abu Dhabi ku sheegay in Imaaraadka Carabta ay tababari doonaan Ciidammada Booliska iyo Millateriga Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in Saldhigga Millatari oo la dhammeystiri doono inta aanu dhammaanin  sannadkani, waxaanu ku caddeeyey inuu  suuragalin doono horumar dhaqaalle iyo ammaan si looga hortago kooxaha mayalka adag ee mandaqada ku nool.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu   rejo ka muujiyay in maalgashiga Imaaraadka, waxaanu iftiimiyey  oo uu ku jiro dhismaha garoon diyaaradeed oo cusub oo dadku isticmaali doonaan, dhismaha waddo isku xidha Berbera iyo Ethiopia taasi soo kordhin doonto fursadaha shaqo abuurka.

Madaxweynaha Somaliland waxa kaloo uu waraysiga kaga hadlay  go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaanu ku tilmaamay wax lagu qoslo iyo gef siyaasadeed oo aan marnaba saameyn doonin heshiiska DP World iyo Ethiopia ay la galeen.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi ayaa sheegay in dalka Imaaraadku  ay lacago badan dhigan doonaan Baanka dhexe ee Somaliland taasi oo wax ka tari doonta horumarka dhaqaalaha dalka Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here