UAE ayaa kansalay heshiiskii ay Somaliland kala saxeexdeen 3 sano ka hor ee qorshihii saldhigga Berbera, xili uu 1.8 Bilyan ku maalgalinayo dhaqaalaha Afrika
Hargeysa (Hubaal) Dhismaha Saldhigga milateri ee Imaaraadku ka samaynayay madaarka Berbera ee Somaliland, ayaa la joojiyay, kaasoo hakinaya heshiiskii ay dawladaha somaliland iyo UAE kala saxeexdeen 3 sano ka hor.
Wararkan oo Hubaal kasoo xigtay website-ka dawladda UAE thenational.ae sida uu tilmaamay, waxa uu Imaaraadku saldhig militari kahelay dalka Eritrea ilaa iyo sanadii 2015, laakiin qorshihii saldhigga Berbera ee ku yaalla Somaliland waa la kansalay.
Dawladda Isutaga Imaaraadka carabta, ayaa bilowday inay saldhig millatari ka samayso magaalada Berbera, meel u dhaw garoonka diyaaradaha.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhoweeyay dhismaha saldhigga 2017-kii, isagoo sheegay “Waxaa nabad ah in millatari badan laga helo aagga.”
Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay inuu rajaynayo maalgashiyada UAE, oo ay ku jiraan garoon diyaaradeed oo cusub oo rayid ah iyo waddo isku xidha magaalada Berbera iyo Itoobiya ee Berbera Coridor, inay horseedi doonto “shaqo abuur weyn” Somaliland oo ah dal soo koraya.
Geesta kale, Imaaraadka carabta ayaa sheegay inuu ku maalgelin doono lacag gaadhaysa 1,83 bilyan oo lacagta dalkaasi ah, una dhiganta ($ 500 milyan) dhaqaalaha qaarada Afrika, mashruuc diiradda saari doona dhalinyarada iyo hab abuurka casriga ah, Barnaamijka Consort for Africa bishii hore lagaga dhawaaqay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.
“Waxaa naga go’an in aanu gacan ka geysanno gaadhsiinta, aalad iyo hanaan bilaabi kara ama guul u horseedi kara ganacsatada hal-abuurka leh, sidoo kale dhallintuna waxay ku rajo weyn karaan rajo mustaqbal oo ay si adag gacanta ugu hayn karaan.” Sidaasi waxa tidhi Reem Al Hashimy, Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Caalamiga
Gargaarka UAE ee loogu talagalay waddammada Afrika wuxuu gaadhayey dh61.8bn intii u dhaxeysay 2014 iyo 2018, sida ay sheegtay Reem Al Hashimy, Wasiiru Dowlaha Iskaashiga Caalamiga. “Waxba kama badna tabaruc ama bixiye amaah deyn ah, Imaaraadku wuxuu fahansan yahay in qiimaha dhabta ahi uu kujiro dhismaha muddada dheer ee caasimada aadanaha,” ayay tidhi Ms Al Hashimy
Sanadkii 2018 ayaa Imaaraadku wuxuu door ka ciyaaray soo gudbinta heshiis nabadeed oo dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya
Dalka Suudaan, waxay Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadku u ballanqaadeen lacag Dh11bn ah oo ay ku taageerayaan Golaha Milatariga Ku-meelgaarka ah ee waddanka, ka dib markii Cumar Al Bashiir xukunka laga qaaday bishii Abriil ee sannadkii hore