Dawladda Ingiriiska Oo Ka Hadashay Natiijada Kulan Uu Danjirahoodu La Yeeshay Madaxweynaha Somaliland

0
21

Danjiraha UK oo Caddeeyey inuu Safiir u Wada Yahay Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya+ sharraxaadda  qoddobo ay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa(Hubaal)- Danjiraha  dawladda UK u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya   David Concar, oo booqasho ku yimid dalka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay  socdaalkiisa Somaliland, Waxaanu xusay  in madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ay ka wada hadleen  iskaashiga Somaliland iyo Ingiriiska. Siday werisay wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, Waxa Safiirka Ingiriiska u fadhiya  Somaliland iyo Soomaaliya, David Concar, uu twitter-kiisa  ku sheegay inay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ay ka wada hadleen  shaqo abuurka, siyaasadda  mandaqada Geeska Afrika,  qorsheyaasha u diyaar garowga doorashada baarlamaanka iyo horumarka laga sameeyey mamnuucida gudniinka fircooniga ah (FGM)ka. Geesta kalena danjire David Concar  oo dhawaan  jaaliyadda Somaliland kulan kula yeeshay magaalada London, ayaa la weydiiyey inuu sharaxaad ka bixiyo inuu  Safiir u wada yahay Somaliland iyo Soomaaliya iyo in kale, waxaanu daboolka ka qaaday   inuu safiir u wada yahay  dalalka Somaliland iyo Soomaaliya labadaba. Waxa kaloo uu intaas ku daray inkastoo fadhigiisu yahay Muqdisho haddana Somaliland tahay dal labaad  oo uu safiir  u yahay. Waxaanu safiirka ingiriisku tilmaamay inuu booqashooyin ku yimaado Somaliland oo  uu la socdo xaaladda Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here