Dawladda Itoobiya Oo Faahfaahin Ka Bixisay Sababta Keentay Odayaal Reer Awdal Ah Oo Ay Ka Horjoogsatay Fiisaha Dalkeeda

0
22

Hargeysa  (Hubaal)- Xafiiska Safaarada Itoobiya ee Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey fiise dal-ku-gal la sheegay inay u diidday laba odey oo u dhashay Somaliland oo sababo is-khilaafsan ku sheegay safar ay doonayeen inay ku tagaan dalka Itoobiya, kuwaas oo xafiiska safaaradda Itoobiya ee Hargeysa weydiistay Fiise ay ku tagaan waddankaas.

Xafiiska Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa, waxa uu sheegay inaanay jirin fiise loo diiday odayaasha, balse laga dalbaday macluumaad dheeraad oo laga weydiiyey ujeeddada socdaalkooda oo aanay wali wax jawaab ah ka siinin

 asaj

Sarkaalka safaarada Itoobiya u qaabilsan qeybta fiisayaasha Mr. Mulugeta Anagaw, ayaa sheegay hayaan waraaqahii codsiyada fiisaha ee labada Oday ku dalbdeen, balse aanay wali wax jawaab oo la xidhiidha ujeeddada booqashada ay ku tagayaan dalka Itoobiya oo tuhunno ka dhasheen.

Labada nin ayaa warbaahinta qaarkood sheegeen inay u socdeen wada-xaajood ay la soo yeesheen Suldaan Abubakar Wabar oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Gobolka Awdal, balse dhaq-dhaqaaqyo mucaaradeed oo fadhiisinkeedu yahay gudaha Itoobiya kaga soo horjeeda Xukuumadda Somaliland, taasina ay sababtay inay safaaraddu ka horjoogsato inay siiso Waraaqaha Dal-ku-galka.

Wargeyska Himilo oo shalay wax ka weydiiyey Mr. Mulugeta wararka la xidhiidha fiise loo diiday laba nin ee u dhashay Somaliland, waxa uu yidhi, “Ma jiro fiise loo diiday labadaa nin, balse weli xafiisku waxuu ka sugayaa faahfaahin dheeraad ah ujeedada socdaalkooda, oo  xogo iskhilaafsan ku bixiyeen.”

“Xog-wareysigii ujeedada socdaalkooda waxay labada nin ku sheegeen inay arrimo diimeed u socdaan, halka mar dambe ay sheegeen inay u socdaan Suldaan Wabar, markaa weli waan hayaa waraaqahii codsigii fiisahooda, waxaanan weli ka sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan socdaalkooda,” ayuu yidhi Sarkaalkani.

source:geeska

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here