Jabuuti (Hubaal) Dawladda Jabuuti ayaa si cadho leh uga jawaabtay codsi uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyey magaallada Asmara, kaasoo ahaa in Eritrea laga qaado cunaqabatayntii saarnayd tan iyo sannadkii 2009.
Hadalka oo ahaa qoraal ay soo saartay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, kuna qornaa Af Ingiriis, ayey Jabuuti ku sheegtay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelato Eritrea, “laakinse wax la ogolaan karo ma aha in walaalaheen Soomaaliya ay taageeraan Eritrea oo ku jirta qayb dhulkeenna ka mid ah, welina beeninaysa inay hayso maxaabiis reer Jabuuti ah” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Waxay qoraalka ku sheegtay Jabuuti inay fiicnaan lahayd in madaxweynaha Soomaaliya uu hadalkiisa ku xuso dhibaatada xudduudda ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Eritrea, oo waddankana uu xal nabadeed u raadiyo khilaafka.
“Jabuuti dhib weyn ayaa ka soo gaadhay, waxayna ku weyday rag iyo dumar geesiyaasheeda ah dagaalkii dhex maray Jabuuti iyo Eritrea” ayey ku tidhi Jabuuti qoraalka, waxayna intaa ku dartay inay si dhab ah u qaadanayso taageerada ay Soomaaliya taageertay Eritrea.
Waxaa qoraalka lagu soo gabagabeeyey hadal adag oo ah in Jabuuti aanay u dulqaadan doonin “wadahadalladaas naxariis la’aanta ah, iyadoo raggeenna iyo dumarkeenna ay weli halkaa joogaan oo ay difaacayaan amniga iyo deganaanshaha Soomaaliya”.
Nuqulka qoraalka ay Jabuuti soo saartay
“Annagu waxaan ka sugaynay Soomaaliya inay annaga iskaaya barbar taagto, oo ay tidhaahdo, haddii ay odhanaysaba, ‘Jabuuti dhulkeeda Eritrea ha ka kacdo, maxaabiista walaalaheen ah ee reer Jabuutina ha la sii daayo’, laakiin inay tidhaahdo Eritrea cunaqabataynta ha laga qaado, waxaan u aragnaa walaalahayo is barbartaag ay isbarbar taageen ciddii naga gardarnayd, taana ma ahayn mid aan filanaynay” ayuu yidhi safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo BBC u warramay. Safiirka iyo ku xigeenkiisaba waxay iminka ku maqan yihiin waddanka Jabuuti. Dawladda Soomaaliya weli arrintan kama hadlin.
Mowqifka Jabuuti ay ka qaadatay booqashadii uu madaxweynaha Soomaaliya ku tegey Eritrea wuxuu su’aal galinayaa xidhiidhka muddada dheer ka dhexeeyey labada waddan