Dawladda Jabuuti oo xuduudkeeda si rasmi ah uga xidhay gaadiidka iyo dadka sharci darada ku gala ee uga talaaba Somaliland

0
48

Hargeysa(Hubaal) Dawladda Jabuuti ayaa shalay si rasmi ah u xidhay xuduudka u dhaxeeya Somaliland, waxaanay joojisay inay uga talaabaan gaadiidka iyo dadka sharci darada ku gali jiray.

news

Lama garanayo sababta ay dawladda Jabuuti talaabadan u qaaday, hase yeeshee wararka ka soo baxaya talaabadan xukuumadda Jabuuti qaaday ayaa loo tirinayaa inay ka dhalatay labadii qof ee dalkaasi isku qarxiyey ee ka talaabay xuduudka Somaliland.

Warar kale ayaa sheegaya Go’aanka Xukuumadda Jabuuti in uu la xidhiidho adkaynta Amaanka Dalkaasi, kaasoo u dabaal dagaya sanad guuraddiisii 37-aad ee uu Xorriyadda ka qaatay Gumaysigii Faransiiska.

Xukuumadda Somaliland illaa hada wax war ah kamay soo saarin talaabada ay Jabuuti ku xidhay xadkeeda, inkasta oo sarkaal ka tirsan Xukuumadda oo farriinnews.com la xidhiidhay u sheegay in dadka sharciga sita ay ka talaabi karaan oo aan loo diidayn, balse kaliyaata la joojiyey dadka bilaa sharciga ah iyo gaadiidka.

Dawladda Itoobiya ayaa hore u xidhay xadka Wajaale ee ay la wadaagto Somaliland, sidoo kale joojisay Fiisayaashii ay dadka Soamlilanderka ah ka siin jirtay safaaradooda Hargeysa, taasoo lagu macneeyey arrimo la xidhiidha dhinaca Amaanka.

Wariyaha Farriinnews.com ee Gobolka Salal ayaa ku soo waramaya in illaa shalay gaadiidkii ka talaabi jiray xadka iyo dadweynihii laga hor istaagayba ku xaniban yihiin Lawyacado

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here