Dawladda KENYA Oo Sas Ka Qaaday Saraakiil Al-shabaab Ah Oo Saacado Ka Khudbadeeyey Masaajiddo ku Yaalla Gudaha Dalkooda

0
57

Nairobi (Hubaal)-Wargeyska The Standard ee kasoo baxa Dalka Kenya ayaa qoray warbixin la xidhiidha in Dagaalyahano hubeysan iyo Sara akiil katirsan Al-Shabaab ay yimaadeen Deegaano katirsan Dalka Kenya lana hadleen dadka ku dhaqan Deegaanadaasi.

alshabaabSaraakiisha iyo Dagaalyahannadan katirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in habeen-nimadii Arbacada ay gaadheen TuullooyinkaTumtish iyo Kabasaalo oo katirsan Degmada Ijaara ee ku dhow Magaalada Gaarisa, waxa ayna Masaajidaasi khudbad uga jeediyeen shacabka halkaas ku dhaqan. Tirada Dagaalyahanada Al-Shabaab katirsan ee gaadhay Tuulooyinka katirsan Degmada Ijaara ayaa tiradoodu lagu sheegay 25-dagaalyahan , waxa ayna Masaajida ay ka khudbadeeyeen ka sheegeen magacyada dad ay ku sheegeen in ay yihiin jawaasiis la shaqeysa Dowlada Kenya.  Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya oo la hadlay Wargeyska The Standard ayaa sheegay inay heleen xogo la xidhiidha iyo Dagaalyahano iyo Saraakiil katirsan Al-Shabaab ay gaadheen Tuulooyin katirsan Degmada Ijaara ayna halkaasi kula hadleen dadka deegaanka. Sargaalkan ayaa sheegay in ay heleen xog ku aadan in Dagaalyahanada Al-Shabaab ee gaadhay Deeganaada katirsan Gobolka Waqooyi bari Dalka Kenya uu hogaaminayay Sargaal lagu magacaabo Maxamed Bilaal, ninkan ayaana Dowlada Kenya hore magaciisa usoo bandhigtay shaacisayna in ay baadi goob ugu jirto.  Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa inta badan ka gudba xadadka ay wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya, waxa ayna dagaalyahanadan weeraro kala kala duwan ka fuliyaan gudaha Dalka Kenya.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here