Dawladda Kenya Oo U Yeedhay Danjiraheedii Muqdisho, Safiirka Soomaaliya U Fadhiya Neyroobina U Qabatay 72 Saacadood gudahood Inuu Dalkeeda Kaga Baxo

0
16

Kenya Oo shaacisay Go’aan ay Safiiradda Ku kala Qaadanayaan Soomaaliya, Si Adagna U Cambaareysay Tallaabadii Dawladda Farmaajo Ku Xaraashtay Shiidaalka Badda  Lagu Muransanaa

Dawladda Kenya waxay ku Eedeysay Soomaliya in aanay weli noqon Qaangaadh Siyaasadeed

Nairobi (Hubaal) Dawlada Kenya ayaa u yeedhay safiirkeedii Muqdisho, Lt. Gen. Lucas Tumbo, isla markaana amartay in dalkeeda uu isaga baxo safiirka Soomaaliya, arrintan ayaa timid kadib markii Kenya ka biyo-diiday tallaabadii Xukuumadda maqaar-saarka ah ee Muqdisho ay Ingiriiska ku xaraashtay shiidaalka ku jira soohdimaha Badda ee labadaas dal ku muransanaayeen. Sida uu xalay baahiyey Wargeyska Daily Nation oo Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) ay soo xigatay, Agaasimaha Guud ee  Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Mr. Macharia Kamau ayaa ku eedeeyey Soomaaliya inay si macno darro ah iskaga indho-tirtay dhaqamadda caalamiga ah ee la xidhiidha xudduudaha lagu muransan yahay iyo kuwa siyaasad ahaan la isku maandhaafsan yahay.

Waxa kaloo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya uu ku naqdiyey Soomaaliya inay muujisay qaan-gaadhnimo  la’aanteeda  siyaasaddeed isla markaana ay  ka arradan tahay nidaamka ay caadi ahaan ku shaqeeyaan dawladaha casriga ahi.

Sarkaalkaas u hadlay Kenya wuxuu  caddeeyey in aanay waxba ka jirin tallaabada dawladda Soomaaliya ay ku faasaxday  shiidaalka ku jira badda gaar ahaan xudduudaha ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya wuxuu  xaqiijiyey  in dawladda Muqdisho ay  ka naas-naasin doonto cawaaqibka ka dhasha xaraashka Shiidaalka soohdimaha badda ee la isku khilaafsan yahay, waxaanu  tilmaamay  in tallaabada ay qaaday Soomaaliya  wax u dhimi doonto iskaashigii ka dhexeeyey labada dal.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dawlada Soomaaliya oo ku aadan go’aankan.

isku dhacan siyaasadeed ayaa dadka arrimaha siyaasadda falanqeeyaa ay tilmaamayaan, inuu fursad u noqon doono Somaliland, oo xidhiidh wanaagsan Kenya ay leeyihiin

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here