Dawladda Kenya Oo Walaac Ka Muujisay Khidad Cusub Oo Al-shabaab Gudaha Kenya Ka Bilawday

0
37

Mombasa(Hubaal-W/wararka)-Dawladda Kenya ayaa Sheegtay in Ururka Al-shabaab bedelay qorshihii uu dhalinyarada ugu wacyi galin jiray inay ka mid noqdaan dagaal yahannada Shabaab, islamarkaana haatan Ururku ku hawlan yahay sidii qaddiyadda Al-shabaab loogu qancin lahaa Ardayda Iskuullada,halkii hore Masjidada lagaga wacdiyi jiray. kenyanTaliyaha Booliiska Gobolka Xeebta Kenya ku yaalla, Robert Kitur ayaa Shaaciyay in Al-shabaab ay bedeshay hannaankeedii hore, haatana ay dhallinyarada Iskuullada ku jira; gaar ahaan kuwa Dugsiyada sare ay ka dhaadhicinayso inay Jihaadkooda ka Qayb-qaataan. Robert Kitur ayaa xusay in xukuumaddu ay tallaabo deg-deg ah ka qaadan doonto arrintan, isagoo ugu baaqay Waaliddiinta iyo Macallimiinta Iskuullada ku yaalla Gobolka Xeebta wax ka dhiga ay si dhow ula Socdaan carruurtooda.  “Xag-jireynta Dhallinyarada kama socoto oo keliya masaajidda. Laakiinse hadda waxay ka billaabatay dugsiyada sare,’ ayuu sheega  Kitur oo intaas raaciyay. “Waxaanu doonaynaa inaanu xaqiijinno in iskuullada Gobolka Xeebta ku yaalla ay ka socoto Xag-jireynta dhallinyarada, Waayo Masaajidda Hadda waa laga Wareegay. Xukuumadduna taas aad ayay uga Feejigan tahay.” Sidoo kale, Taliyuhu Wuxuu xusay in saraakiisha booliiska ay muujiyaan feejignaan dheeri ah ayna la socdaan in ardayda iskuullada dhigta la xag-jireynayo. wuxuuna yidhi. “Waxaanu haynnaa Warbixinno Arrintan ku saabsan; Waxaanu doonaynaa inaanu xaqiijinno in Ardada dhigta Iskuullada aan la xag-jireyn”. Taliyaha Booliiska Mombasa ayaa intii uu socday kulanka Sanadlaha ahaa ee ay yeesheen Maamuladayaasha Iskuullada Mombasa kaga dalbaday Mas’uulka ugu sarreeya ee Ururka Maamulayaasha Mombasa, Joseph Kaguthi in Macallimiintu ay hubiyaan is-bedellada ku dhacaya ardayda Iskuulladooda.  “Dhallinyarada waa kuwa u nugul inay macallimintooda ka qaataan fikradaha ku saabsan xagjireynta, sidaa daraadeed waa in la digtoonaado oo lala socdo isbedel walba oo ku dhaca dhallinyarada,” ayuu hadalkiisa ku daray Ropert Kitur.  Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Xeebta Kenya ayaa wuxuu sheegay in Xukuumadda Kenya ay qorsheynayso inay ka hortagto Qulqulka xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee soo galaya Deegaanka Kaymaha badan ee Boni oo ka tisran Lamu.   Al-shabaab ayaa hore Qaraxyo iyo Weerarro ay ku dhinteen dad badan ka geystay gudaha dalka Kenya, iyadoo weerarrada Kenya ay billowdeen markii Xukuumadda Nairobi ay Kumannaan Askarteeda ka tirsan u soo dirtay Somalia Sannadkii 2011-kii si ay ula dagaallmaaan Al-shabaab.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here