Nairobi (Hubaal-W/wararka)- Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya Mwenda Njoko, ayaa Baahisay Sawirada Xubno katirsan Kooxda Al-shabaab, kuwaas oo si joogto ah Hawlgallo uga fuliya Gudaha Waddaka Kenya. Mwenda Njoko, Afhayeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Kenya, ayaa wuxuu sheegay in Unugtan ay ka howlgasho dhulka keynta ama howdka dalka Kenya, halkaasi oo ay kasoo abaabulaan weerarada ay ka geystaan dalkaasi Kenya. Dadka Sawirada kasoo muuqday ayey Dowladda Kenya aad u doon-doonaysaa waxaana ay sheegtay in shacabka laga rabo inay door ka qaataan sidii dadkan loo soo qaban lahaa. Booliska Kenya waxay kale soo bandhigeen magacyadda shan dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab oo iyagu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday Xeradda ciiddanka Kenya ku leeyihiin duleedka Laamu. Shanta dagaalyahan ee ay Wasaaradda Arrimaha gudaha Kenya soo bandhigtay magacyadooda ayaa lagu kala sheegay Axmed Muller oo lagu naanayso Ahmed Khaalid iyo Abu Musaybah iyo Ramadaan Kiyooko Abu Nuseyba. Dowladda Kenya ayaa la fajacsan weerarada sii socda ee Shabaabka ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deeganada ku xeeran xuduuda Somalia iyo Kenya. Al Shabaab inay joojiyaan weerarada gudaha Kenya waxa ay ku xidheen Shuruud, taasi oo ah in ciidamada Kenya ay ka baxaan dalka Somalia, inkastoo Madaxweynaha Kenya uu diiday in ciidamada Kenya ay ka baxaan Somalia.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Dawladda Kiiniya Oo Baahisay Sawirrada Afartameeyo Alshabaab Ka Tirsan Oo Ku Dhuumaalaysanayay...