Dawladda Mareykanka Oo Ka Hadashay Ujeeddadii Ay Ka Lahayd Duqayntii Ay Gaalkacayo Ka Fuliyeen

0
31

gaadhi-gubtay

Washington:(Hubaal)-Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeyntii ay ka fuliyeen duleedka magaalada Gaalkacyo 28-kii bishii September ay ku dileen maleeshiyo deegaanka, balse aanay Al-Shabaab aheyn.

War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in baadhitaan hor dhac ah oo la sameeyay ay tahay in weerarkaas aan haba yaraatee lagu bartilmaameedsan Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore ka dalbatay Mareykanka inay sharaxaadka bixiso duqeyntas ku sameyso baadhitaan dhab ah, kaddib markii ay sheegtay in duqeyntaas lagu dilay Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug.

Taliska Mareykanka Afrika ayaa sheegay in howl gal ay hoggaaminayeen Puntland looga dalbaday in weerar dhinaca cirka ah looga caawiyo, taasoo keentay fariintii qaldaneyd ee ay gudbiyeen Puntland lagu laayo Ciidamo ka tirsan Galmudug.

Baadhitaano bilowday 4-tii bishii October ayay Saraakiil ka tirsan Mareykanka ku ogaadeen in weerarkii September aan lagu beegsan xubno ka tirsan Al-Shabaab, hase ahaatee ciidamada la laayay ay ahaayeen kuwo deegaanka oo ka soo jeeda Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan baadhitaanada horu dhaca ee ay soo bandhigeen Ciidamada Mareykanka, isagoo xusay in hore u aaminsanaayeen in weerarkaa aan lagu dilin haba yaraatee xubno ka tirsan Al-Shabaab, balse ay ahaayeen ciidankooda

Saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in si taxadar ku jira baadhitaan ugu hayeen arrintan, isla markaana ay ogaadeen in cida lagu dilay duqeyntaas ay ahaayeen maleeshiyo deegaanka.

Xiisad ka dhalatay duqeyntaas ayaa waxay keentay in maamulada Puntland iyo Galmudug ay hawada isu mariyaan hadalo kulul, waxaana bishii hore ka qarxay dagaal galbeedka magaalada Gaalkacyo, kaasoo labo jeer oo heshiis xabad joojin la gaadhay uu dhaqan geli waayay, iyadoo dagaalka halkiisa ka sii socday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here