Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe
“Nin Baa Igu Yidhi Waar Salaadiintu Maxay Xil Wareejinta Kasoo Doontaa, Aniguna Waxaan Idhi Sowta Aynu Innaguba Ka Hadalna Marka Ay Hablaha Bixinayaan”
++++
“Safarkii Madaxweynuhu Abaar Soo Eeg Muu Ahayn Ee Kaambayn Buu Ahaa….Immika Boorama Kaambayn Kale Ayaa Kasocda Oo Waxa Wada Madaxweyne Ku Xigeenkii Ahaa Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha”
Hargeysa (Hubaal ) Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ahna murashaxa xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maalintii shaaly munaasibad ay xilalka kula kala wareegayeen wasiirkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland iyo wasiirka cusub ee dhawaan loosoo magacaabay wasaaradaasi lagu soo casuumay ayaa dhaliilo xoogan usoo jeediyay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE. Sidoo kale waxaa uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe ka dhawaajiyay hab dhaqan cusub oo ku soo biiray saaxaddii siyaasadda ee ay axsaabtu ku loollami jirtay. Waxa uu naqdiyey socdaalka ay madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ku tageen magaalada Borama oo uu ku tilmaamay kaambayn Iydoo dalkii ay abaaro baahasani ka jiraan. Ugu horeyn mar uu ka hadlayay dacaayado uu sheegay in suuqa loo geliyey oo ah in uu dhinaca muxaafidnimada u janjeedhsaday isla markaana taageero xukuumadda waxaa uu ku baanay in aanay xukuumaddu ka koobnayn xisbiga talada haya balse ay xisbigii UDUB iyo xisbigiisa UCIDba masuuliyiin soo maray xilal ka hayaan haatan dawladda, waxaanu yidhi “waxa laga yaabaa in qolooyinkii Medi-yaha ka shaqayn jiray ay odhan doonaan waa taynu ogayn oo beryahan Feysal waa muxaafid oo KULMIYe ayay igu xaman doonaan, laakiin horta KULMIYE Ma aha ee dawladdan Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] waa dawlad isbahaysi ah [coalition] ee KULMIYe kama samayna” sidaas ayuu yidhi Feysal Cali Waraabe, waxaanu intaa ku daray isaga oo farta ku fiiqaya qaar ka mid ah madaxdii madasha xil wareejinta fadhiyey “ bal eega oo halkan waxaa fadhiya Cali warancadde oo Waa UDUB, Axmed Xaashi Waa UDUB, Wasiir Keysar Waa UCID, Qabo, WAsiirka cusub ee qorsheyntaa xisbigayga ka tirsan oo Waa UCID dagaalkii Bederna waa uu ila galay berigii xisbiga layga qaadi gaadhay. Halkanna waxaa fadhiya saaxiibkay suldaan Barre, laakiin ha moodina in Suldaan Barre uu xafladda u yimi oo Wasiir Qabo ugu yimi sidii uu Suldaan Xiiray ugu marnaa Cali Waran-cadde ee aniga iyo isaguba saaxiib baanu la nahay wasiirka, laakiin xafiiskiisa ku arki maysaan hadhow”. Ayuu hadalkiisa ku daray. Geesta kale waxaa uu ayaan darro ku tilmaamay munaasibadaha hudheellada waawayn ee dalka lagu qabto ee kharashka badan lagu bixinayo “Horta innaga wadankeena waxaan u bixin lahaa wadankii xafladaha waayo inta aynu waqti ku bixino xafladaha malayn maysaan, ama inan [gabadh] la meherinayo aynu tagno, ama mid xisbi kasoo guuray aynu tagno ama wasiir cusub aynu u tagnee inta aynu waqti badan ku khasaarino xaflado wadan ku khasaariyaa ma jiro. Intaas oo masuul baa xafladaha hablaha lagu meherinayo kasoo qayb gala, immikana nin baa ila hadlayay oo igu yidhi waar Salaadiintu maxaa ay xil wareejinta kasoo doontayoo waxaan idhi sownaga innaguba meherkooda ka hadalna marka ay hablaha bixinayaan, markaa waa lays dhex yaacay oo Somaliland way isku dhex yaacday”.
Waxaa kale oo guddoomiye Faysal ka hadlay xaallada abaareed ee dalka ka jirta “maanta waad aragtaan oo abaar baa innagu dhacday, waad arkaysaan oo abaartu way sii xumaanaysaa oo roob muu di’in, madaxweynuhuna xaq buu u lahaa inuu tago oo uu soo eego dadka abaaraysan laakiin abaar soo eeg may ahayn ee kaambayn bay ahayd oo soddon baabuur baa is raacay, dabadeed laba iyo toban maalmood baa la soo wareegay oo waa la fadhiistay, waxaa ay moodeen in abaartii dhammaatay waanay sii xumaatay. Immika Boorama maxaa ka socda, waxaa ka socda kaambayn kale, waad arkaysaan madaxweyne ku xigeenkii ahaa guddoomiyaha guddida gurmadka abaaraha ayaa reer Boorama u soo baxayeen, markaa dee isma qabato abaar baa na haysa iyo kaambayn ee waa wax laga xishoodo, laakiin innaguna waynu iska qoslaynaa uun oo malaha qaadkaa wax innoo dhimaye meel xun baynu maraynaa axdiga illaahay oo wallaahiya.”.
Mr. Feysal Cali Waraabe, guddoomiyaha ahna musharraxa UCID mar uu ka hadlayay xafiiltankii siyaasadeed ee u dhaxayn jiray saddexda xisbi qaran iyo sida ay qabyaalladu uga madhnayd, waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay casabiyad haatan ku ladhan tartankii “waad ogaydeen saddex xisbi baanu ahayn oo tartamaya iyada oo aanay qabyaaladi ku jirin, laakiin maanta tollaayeey baa soo dhacday, waa markaygii baa soo baxday, waxaa kale oo innagu soo biiray xisbi kala Jabay oo KULMIYE ah ayaa waxaa uu la soo baxay ka ciidee, innaguna uma jeedno abaar xumina way inna haysaa haddana xaflado ayaynu ka bixi la’nahay”