Dawladda Somaliland oo Amartay Inaan JSL laga Isticmaali Karin Furaha Internet-ka Soomaaliya ee [Top Level Domain SO’]

0
41

Go’aan Laba Qoddobka Kooban Oo Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolojiyaddu Ku Fartay Mulkiilayaasha Mareegaha Internetka   In Ay Muddo 30 Maalmood Ah Kaga Guuraan Top Level Domain-ka So’

Hargeysa (Hubaal) Wasiiradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiga ee Dawladda Somaliland, ayaa sheegtay inay Deegaanadda Somaliland ka xidhayso dadka Isticimaala ama iska leh Mareegaha Shebekaddaha ee Internet-ka, kuwaasi oo ku isticimaali jiray Furaha Inernet-ka ee (DHOD.SO ama Top-Level-Domain.SO) ee dawladda Federaalka ee Somalia laga leeyahay.

 

 

 

Wasiirka  Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Cabdilaahi Suufi, ayaa shalay Warsaxaafaddeed uu Xafiiskiisa Saxaafadda kaga hor akhriyey, waxa uu digniin uu u diraayo mulkiilayaasha Shebekeddaha iyo Mareegaha Internet-ka ee Guddaha Somaliland ka hawlgala, kuwaasi oo uu u qabtay inay mudo Bil ah fursad dawladda Somaliland u siisay inay kaga guuraan Furaha Internet-ka Somalia laga maamulo ee (.SO)-ka, waxaana wasiirku sida uu hadalka u dhigay uu Milkiilayaasha  Shebekeddaha ee reer Somaliland ku amray inay u guuraan  adeegyo Furaha Internet-ka gaarka ee aan cidi maamulin.

 

Wasiir Dr Cabdiwali Cabdilaahi Suufi oo warsaxaafaddeedka uu Mulkiilayaasha Shebekaddaha reer Somaliland ee isticimaala Furaha Internet-ka Somalia uu digniinta ku siiyey inay ka guuraan mudo Bilsh ah waxa uu ku yidhi “Wasaaraddan oo qaranka Somaliland u xilsaaran adeegsiga iyo maamulida Isgaadhsiinta iyo Tignoolojiyadda, waasaddu iyada oo sido kale ogsoon raadka ay ku yeelan karto isticimaalida adeega ama waxa la yidhaahdo (Top Dowaip Level/.SO) taasi oo ah mid dhaawaci karta qaranimadda iyo madaxbanaanidda Somaliland , waxay wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiga Somaliland soo saartay go’aamadan hoos ku xusan”

 

Dr Cabdiwali Cabdilaahi Suufi oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inay mudo 30 maalmood oo Bil gudaheeda u qabteen inay Mareegihu kaga guuraan Furaha Internet-ka ee Somalia “Qodobka 1aad waxa ka reeban adeegsiga Mareegaha reer Somaliland  (Top Dowaip Level.SO), cid kasta oo ku leh Ciwaan Internet-ka sida Jaamacaddaha, Shirkaddaha,  Baananka, ururadda Muxaliga ah, iyo kuwa dawliga ah oo dhamaantood ka diwaangashan Somaliland, qodobka 2aad waxa la farayaa Milkiilayaasha Mareegaha ama Web-sites-ka ee imika isticimaala adeegan (Top-Level-Domain.SO) inay mudo 30 maalmood ah kaga wareegaan (System)-ka hore mudadaasi oo ka bilaabmaysa Bari oo Bishu tahay 12/3/2018-ka una wareegaan Milkiilayaasha Mareeguhu kuwa madaxa banaan ee aanay cidi lahayn sida (.COM/.NET/.ORG) iyo wixii la mid ah, marka waxaanu mudada 30-ka maalmood ee qodobka 2aad uu xusaayo, ka dib cidii go’aankan fulin waydo waxa la xayiri doona ama la xanibi doona Shebekad kasta ama mareeg kasta oo isticimaasha adeega furaha Somalia laga leeyahay ee (Top-Level-Domain/.SO), waxaanan inta ku darayaa inagu waxaynu nahay waddan aan wali la Ictiraafin oo maynaan helin wali adeega Internet-ka ee (.SO) oo kale ah, laakiin maadama oo aynu xoriyaddeeni madaxbanaanida ee Somaliland aynu kala soo noqonay Somalia hada ilaa imika ina sheeganayaan in aynu qayb ka mid ah nahay ma isticimaali karayno furaha Internet-kooda ee (.SO) waa sida calanka, sida lacagta, waa sida astaanta qaran ”

 

 

 

Go’aankani ka soo baxay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda ee Somaliland laguna mamnuucay adeegsiga mareegaha laga leeyahay Somaliland ee Top-Level-Domain/.SO) lagu amray inay ka guuraan adeegaasi, ayaa jawaab waxay arintani u noqonaysa ka dib markii todobaadkii hore dawladda Federaalka ee Somalia ay ku dhawaaqday inay inay la soo wareegtay astaanta qaranka Internet-ka Somalia ee (Top-Level-Domain/.SO) taasi oo ay maamuli jirtay hay’ad ka madaxbanaan  Somalia.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here