“Mararka Qaar Hakadkaas Wuu Dhici Karaa Laakiin Wax Is Beddel Ah Oo Ku Dhacay Xidhiidhka Labada Dal Ma jiro, Waxaanan Odhan Karaa Oo waxaan Odhan Karaa Waa Uu sii Xoogaystay”
Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa Markii ugu horraysay Ka Hadlay Gaabiska ku yimi bixinta Fiisayaasha dalka Ethiopia oo muddooyinkan qaylo-dhaan badani ka taagnayd. Wasiir Biixi oo Idaacadda VOA-da u warramay, ayaa faahfaahiyey cabasho kasoo baxaysay bixinta Fiisayaashaas, iyadoo shacab badan oo baahi weyn u qaba Gelitaanka Waddanka Ethiopia ilaa iyo haatan fiise la’aan u fadhiyaan. Wasiirku waxa uu qiray jiritaanka Hakadkaas xagga fiisayaasha ahi, balse waxa uu meesha ka saaray inuu debcay Xidhiidhkii Ethiopia iyo Somaliland oo uu ku tilmaamay mid sii quweystay. Sidoo kale waxa uu wasiirku qiray inay Dhammaadeen Waraaqa fiisayaasha ah ee Baasaboorrada lagu dhejiyaa oo maalmahan cudur-daar looga dhigayey xannibaadda ka taagan arrintaas. Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Dawladda Somaliland iyo Itoobiya waa laba waddan oo jaar ah, waxa kala go’ay qaraaqihii lagu dhajinayey fiisaha oo way noo soo warameen waanay noo soo sheegeen Itoobiya, Umadda Somaliland-na waanu u sheegnay inay waxa hakiyey tahay Waraaqahaas, waxaanay noogu ballan qaadeen inay dedejinayaan oo dadkii waxaananu filaynaa inay hawshaasi dhamaatay”. Wasiir Biixi oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey “Xidhiidhka labada waddan aad ayuu u wanaagsan yahay intii horena wuu ka sii wanaagsan yahay, xidhiidhka Dawladda Somaliland iyo itoobiya waa mid taariikhiya, waa mid walaaltinimo leh oo aanu aad isgu dhaw nahay, wax dhibaato ah oo ka dhici kara labada waddan dhexdooda ma jirto, waxaan qabaa waa dadka aanu dad isugu dhawnahay oo mararka qaar hakadkaas yari wuu dhici karaa, laakiin wax isbedel ah oo ka dhacay xidhiidhka labada dal ma jiro oo waxaan odhan karaa waa uu sii xoogaystay”. Maxamed Biixi Yoonis Waxa uu ka Hadlay shir Bishan horraanteedii labada dal u ballansanaayeen oo dib u dhacay, kaas oo lagaga hadli lahaa arrimo Xidhiidhkooda ku saabsan, waxana uu isagoo sababaha shirkaas baajisay iyo xilliga dib loogu dhigay ka Hadlaya uu yidhi, “Kulankaasi waxa uu ahaa inuu bishan labadeedii dhaco oo loo ballan sanaa, laakiin dib ayaanu u dhignay oo waxa nagu soo kordhay bisha Ramadaanta, waanu ka ballan sanahay, waxaanu u ballansanahay bisha July 7-deeda shir ka dhici doona Nairobi oo lagaga hadlayo mashruuca Wajaale ee Berbera Coridor, waxaana qabatay Eu-da waxaanay u ballan sanyihiin illaa Baanka Adduunka in la kulmo wakhtigaas oo lagaga hadlo arrintaasi” Ugu dambayna waxa uu wasiir biixi sheegay “Cilaaqaadka Somaliland iyo Imaaraadku aad ayuu u xoogaystay oo waxa uu casuumad ka helay madaxda waddankaas, waxaanu aragnay walaaltimo iyo galgacal badan ayaa ka muuqatay, sheekhuna waxa uu yidhi dad walaalo ah oo kala maqnaa ayeynu ahayn, laakiin hadda way is helnay, waxaanay noo ballan qaadeen mashaariic badan” ayuu yidhi wasiir biixi.