Xukuumaddu Waxaa Ay Sheegtay In Aanay Illaa Hadda Hubin In Hanjabaadani Kasoo Baxday Jabhadda Xuutiyiinta, Dawlad Ahaanna Aan Waxba Lala Soo SOcodsiin
“Mar Haddaad Xulafo Ka Mid Noqoto Dhib Iyo Dheefba Waad Kala Kulmaysaa, [Laakiin Hanjabaada Xuutiyiintu] Waa Khatar Mar Walba Jirta [Innaguna] Markii Hore Inay Waxyaabo Badani Dhici Karaan Waanu Sii Ogayn”
Hargaysa(Hubaal) – Dawladda Somaliland ayaa markii u horreysay ka hadashay warar laga daawaday baraha xidhiidhka bulshada ee lagu baahiyo muuqaallada kuwaas oo xambaarsanaa hadal ay kooxo afka duubtay oo isku sheegay inay yihiin Xuutiyiinta ka dagaallamaya dalka Yemen ugu soo hanjabeen Somaliland oo iyagu ku dhawaaqday inay qayb ka tahay xulufada uu Sucuudigu hoggaaminyo ee dagaalka kula jira Jabhadaas. Muuqaalladan oo aan sugnaanshahooda runnimo iyo in kooxdan hanjabaysaa ay yihiin Xuutiyiin la xaqiijin ayaa ay ku sheegeen in ay gantaallo ku soo tuuri doonaan Somaliland magaallooyinkeeda qaar kamid ah haddii uu hirgalo saldhiga Millatari ee Imaaraadku ka furanayo Magaallo xeebeeda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Muuqaalkan oo toddobaadyadii u dembeeyey aad looga daawanayay barta Internetka Ee Youtube-ka ayaa soo bandhigay Rag u muuqday in ay ka tirsan yihiin kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama Yemen kuwaasoo hanjabaado u soo diraya Somaliland.
Maxay Xukuumadda Somaliland ka tidhi warkan?
Xukuumadda cusub ee Somaliland ka dhalatay ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horreysay ka hadashay sida ay u aragto hanjabaadan oo ka dambaysay kadib markii xukuumaddii hore ee Madaxweyne siilaanyo ay Imaaraadka u saxeexday in uu saldhig ka furto dalkeeda. Wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire oo maalintii shalay wax laga weydiiyey arrintan iyo cidhib xumada ka dhalan karta hanjabaadaas kasoo yeedhay kooxdan isku tilmaantay inay Xuutiyiin yihiin ayaa sheegay inaanay qaran ahaan Somaliland wali wax war ah oo rasmi ahi kasoo gaadhin dhinaca Xuutiyiinta, balse ay ka jwaabi doonaan marka waqtigeeda la gaadho, taas badalkeedase ay mar walba Somaliland ka go’an tahay in wixii danteeda khuseeya aanay cidna u daba fadhiisan.
“Horta waan ku arkay baraha internetka qaarkood warar ku saabsan arrintaasi [hanjabaada Xuutiyiinta] run ahaanna inay run tahay iyo inay been tahay garan mayno annagu, hadalkaasina marka uu yimaado ayuun baanu kaga jawaabi doonaa wixii ficil iyo hadalba”.sidaas ayuuyidhi Dr.SAcad Cali Shire, wasiirka arrimaha dibada Somaliland, waxana uu intaas ku darar Wasiirka oo waxlaga weydiiyey su’aal la xidhiidha in warkani haddii uu rasmi noqdo iyo haddii kaleba ay ku talo galeen, maadaama oo Somaliland ay dhinac ka tahay dagaalkan, “waa khatar mar walba jirta mar haddaad Xulafo ka mid noqoto dhib iyo dheefba waad kala kulmaysaa, markii hore ee aan arrinka galnayna waxyaabo badan in ay dhici karaan weynu ogeyn oo sidaa ayaanu Dan Moodnay, waayo danbeynu u galnay markii horeba arrinta Berbera [heshiiska], Dantiina wali wey taagan tahay, haddii uu War naga soo gaadho Xuutiyiintana waan ka jawaabi doonnaan’’ ayuu yidhi wasiirka Sacad Oo La Hadlay Laanta Afka Somaliga Ee BBC. Xuutiyiinta yaman ayaa la sheegay in ay diidan yihiin oo ay ka soo horjeedaan saldhiga millatari ee imaaraadka carabtu ka furan doonaan magaalada berbera ee somaliland