HUBAAL WAR DEGDEG AH: Dawladda Somaliland Oo Hargeysa Ka Dirtay Safar Farriin U Ah Firxadka Cali Khaliif & Ash-kato Ka Dhan Ah Fakadka Galaydh Oo Caawa Fiidkii U Baqoolay Addis Ababa
Hargeysa (Hubaal)- Dawladdaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa la filayaa in ay berri ka wada hadlaan xasaradda amni ee Dagaal-huriye Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisu ka dhex wadaan Dalka Somaliland isla markaana ku khal khal geliyeen amniga. Dawladda Somaliland oo daba socota firxadkii uu saaka Cali Khaliif ku galay gudaha dalka Itoobiya kadib markii Ciidammada Qaranka Somaliland Ka dhex tooseen xaflad qarshoosh lagu waday in lagu caleemo saaro maamulka madaxda looga dhigay Cali Khaliif ee isku urursaday deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool ayaan dawladda Somaliland ka hadhin fakadkiisa.
Ilo Wareedyo ku dhadhaw Xarunta Madaxtooyada Somaliland ayaa Wargeyska HUBAAL u sheegay in Shirkii golaha wasiirrada ee khamiislaha ahaa ee maanta lagu lafo guray fadqalalada uu Cali Khaliif ka dhex wado Somaliland iyo dabka uu ka hurinayo dalka dhexdiisa, waxaana shirkaas ay ilo wareedyadu tibaaxeen in laysla qaatay inaan laga daba hadhin fakadka Ninkaas ee godka uu galoba laga daba galo, waxaana Shirka golaha wasiirrada oo uu Madaxweyne Siilaanyo guddoominayay laysla qaatay in qaranka Somaliland uu ninkaasi ka ash-kateeyo dawladda dhexe ee Federaalka ah ee Itoobiya,isla markaana loo diro wefti Soomaliland ah oo dawladdaas kala hadla xaalladdan.
Wasiirrada wasaaradaha khaarijiga iyo daakhiliga ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Cali Maxamed Waran-cadde oo Golaha wasiirradu u xil saaray gudbinta farriintaas ayaa fiidkii caawa ka dhoofay dalka iyaga oo u sii jeeda dhinaca wadanka Itoobiya, halkaas oo la filayo in ay dawladda Somaliland ugu gudbiso Itoobiya Ashkatada ka dhanka ah Cali Khaliif oo soo magansaday dalkeeda.
Warku waxa kale oo intaa ku daray in Waftiga Wasiirrada ah ee u baxay Ethiopia ay Madaxda dalkaasi kala hadli doonaan arrimo ku saabsan dhaqdhaqaaqa ay kooxda maadaama oo ay Ethiopia tahay dal aad muhiim uga ah dalalka mandaqada geeska Afrika, Somaliland-na ay Ethiopia la leedahay xidhiidh fiican oo dhinacyada siyaasada, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo ganacsigaba.
Waxa kale oo soo baxaya warar aan la xaqiijin oo tibaaxaya in Raysal Wasaaraha Ethiopia uu khadka Isgaadhsiinta kula soo xidhiidhay Madaxweyne Axmed Siilaanyo isaga oo u soo gudbiyay farriin ku saabsan dhibaatooyinka ka olloosan goballada bari ee Somaliland. Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay xukuumada Somaliland oo ku saabsan ujeedadda dhabta ah ee uu daaran yahay socdaalka Wasiiradda Somaliland ay ugu baqooleen Ethiopia. Mana cada in Wetiga Wasiirada Somaliland ay u sii gudbi doonaan dalal kale oo dibadda ah marka ay dhammaystaan booqashadooda Ethiopia, iyo in ay ku soo guryo noqon doonaan Somaliland iyo in kale.