Dawladda Somaliland Oo Ka Hadashay Falkii Ay Oromada Cadhaysani Ku Gelellaftay Soomaalida HAAWADAAY & Itoobiyaan Firxad Ah Oo Hargaysa Lagu Dilay

0
267

Wasaaraddaha Arrimaha Dibedda iyo Arrimaha Gudaha Oo Wada Jir Uga Hadlay Qaddiyadan iyo Nuxurka Farriin Ay U Direen Shacbiga Somaliland

Dad Fara Badan Baa Halkaas [Haawadaay]   Ay Laayeen Dad Itoobiyaan Ahi, Annaguna   Waxaannu Leennahay  Dadkaas La Laayay Ehelkoodii In Badan  Baa Hargeysa, Boorama, Gabiley Iyo Guud Ahanba Somaliland Joogta”-  Wasaaradda Daakhiliga Somaliland

++++++++++

“Annaga Hawl Wadeennadii Safaaradayadu Waxaa Ay Joogaan Magaallada Herer  Waxaana La Baadhayaa Kiiskaasi Sidii Uu U Dhacay, Ee Inta Go’aan Rasmi Ah Aanu Ka Gaadhayno Waxa Waajib Ah In………” – Wasaaradda  Khaarijiga Somaliland

 

Hargeysa (Hubaal) – Dawladda Somaliland ayaa markii u horreysay ka hadashay Ugu yaraan 32 qof oo reer Soomaaliland u badan  oo habeen  sadexaadkii  lagu dilay deegaanka Hawadaay ee bariga dalka Ethiopia kuwaas oo daba socday rabshado maalmihii udembeeyey u dhexeeyey qowmiyadda oromada ee dalkaas iyo dadka Soomaalid ah ee u dhashay  kililka shanaad ee dalka itoobiya.  Dadkan lagu laayey deegaanka haawaday oo ah suuqa ugu ballaadhan ee qowmiyada oromodu u soo dhoofiso jaadka ka baxa gobolkaas  ayaa waxaa uu saameeyey dalkan Somaliland oo ah halka  ay  dakhliga ugu xooggan kahelaan.   Wasiiru dawleyaasha wasaaraddaha arrimaha gudaha iyo arrimaha dibada ee dalkan Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye iyo Md. Maxamed Mixille Boqorre oo si wada jir ah shalay uga hadlay  rabshadaha ka dhacay dalkaasi Itoobiya ee lagu laayey ganacsatada reer Somaliland u badan ee ku sugnaa deegaanka Hawaday ayaa waxaa ay sido kaleka hadleen dadkasoo jeeda qowmiyada oromada oo habeen hore lagu dilay dalbeedka magaallada Hargeysa kuwaas oo maydadkooda  la geeyey cusbitaalka guud ee caasimadda. “waad ogsoon tihiin baan filayaa in dad badan oo magaca Soomaaliyeed sheegta guud ahaanba ay ku dhinteen deegaanka dawladda Itoobiya gaar ahaanna meesha la yidhaahdo Haawadaay iyo agagaarkeeda”.sidaas waxaa yidhi Wasiiru dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. MAxamed Muuse Diiriye waxaanu intaa ku daray “Dad fara badan baa halkaas ku dhintay oo ay laayeen dad Itoobiyaan ah oo kamid ah qawmiyadaha dalkaasi degeni, annagu aad iyo aad baanu uga xunnahay dadkaasi la laayay waxaananu leennahay alla ha unaxariisto. Dadkaasla laayay ehelkoodii in badan  baa Hargeysa Joogta, Boorama, Gabiley iyo guud ahanba Somaliland joogta”. Ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha amnigu. Waxaanu farriin u diray Wasiir Maxamed Muuse shacbiga reer Somalilandoo uu ugu baaqay in aanay dhibaataynin dadka ajanabiga ah gaar ahaanna kuwa kasoo jeeda qawmiyadda Oromada ee ku sugan dalkan Somaliland “Waxaan farayaa dadka reer Jamhuuriyadda Somaliland in aanay dadka oromada ah ee Dalka ku sugan wax dhibaato ah u geysanin. Waad ogsoon tihiin in xalay [habeen hore] laba [qof oo oromo ah] lagu dilay kaantaroolka Caabudla’ [ee ku yaalla galbeedka Hargeysa], ninna lagu dhaawacay, maydkoodu waxaa uu yaallaa Cusbitaalka, sidaas darteed waxaan leeyahay dadkaas yaan waxba loo geysan ee waa in la ilaaliyo, waxaanan farayaa dhammaanba ciidammada amnigu inay sugaan nabadgelyada dadkaasi ooay ilaaliyaan. Dadweynahana waxaan leeyahay dhinte kuwaasiye [dadka lagu laayay Haawaday] oo soo noqon maayaanne  inaanay wax dhibaato ah geysanin”. Ayuu yidhi wasiiru dawlaha amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye. Dhinaca kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay wasiiru dawlaha wasaaradda arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Mixille Boqorre oo isaguna geestiisa sheegay in ay wasaarad ahaan ku hawlan yihiin sidii ay dawladda Itoobiya u baadhi lahayd qaabkii ay u dhaceen rabshadaha Haawaday ee dadka lagu laayay “Dadkaas dhintay alla ha u naxariisto ayaan leeyahay Soomaali oo dhan ayaa ay ka koobnaayeen meeshay doonaan ha kala joogaanne laakkiin annagu Wasaarad arrimo dibad ahaan hawl wadeennadii safaaradayada Itoobiya waxaa ay joogaan magaallada Herer  oo Illaa Jigjiga ayay imanayaan waxaana la baadhayaa kiiskaasi sidii uu u dhacay, Dawladda Itoobiyana waanu ka wada xidhiidhnay ee waxaa waajib ah in inta natiijo kasoo baxayso ee go’aan rasmi ah aanu ka gaadhaynoin dhinaceenna nabadgalyada  la  ilaaliyo oo aan cidna wax loodhimin. Baadhitaanka lagu jiro safaarradeenuna qayb bay ka tahay, dawlad deegaanka kililka shanaandka baadhitaanka dhinacooda gacanta ayay ku hayaan ee hala is dejio ayaan leeyahay”. Ayuu yidhi wasiisu dawlaha arrimaha dibada ee Somaliland Md. Maxamed Mixille Boqorre.

Gebogebo

 

Dilalkan ayaa daba socda rabshado u dhexeeyay maalmihii la soo dhaafay Dadka Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia wada dega. Oramada ayaa ku eedeesay Ciidammada Liyuu Booliska ee dawlad-deegaanka Soomaalidu inay dad ka dileen, hase ahaate Afhayeen u hadlay Ciidammadaasi, ayaa laanta Afka Oromada ee VOA-da u sheegay inaanay arrintaasi waxba ka jirin. Boqor Cali Cumar Allaale oo ah Xildhibaan hore oo laga soo doorto deegaanka Dadka lagu dilay ee Haawadaay, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, waxaa uu  u sheegay in Meydadka 32 Qof oo Soomaali ah oo Oromadu xasuuqday la aasay  , isla markaana ay jiraan Dad badan oo kale oo la laayey oo aan weli Tiradooda lahayn, halka ay Dhaawacyo badan iyo Barakacna jiraan. Waxa uu Boqor Cali sheegay in Dadka la laayey yihiin Rag ka shaqaynayey Shirkadaha Qaadka Soomaalida ee Deegaankaas Qaadka ka soo qaada iyo Xaasaskoodii, kuwaas oo uu sheegay in badankooda loogu galay Guryaha ay degganaayeen iyo goobaha Shaqo ee ay ka hawlgalayeen, isla markaana Badi la Gawracay, Baabuur Kuwa Qaadka soo qaadi jiray ee ay leeyihiin Shirkado ay ka mid tahay Shirkadda 571   iyo kuwo kaleba ay Oramadu gubtay.  Ruux Goobjooge ah, ayaa BBC-da u sheegay in Ciidammo Millateriga Itoobiya ka tirsan ay haatan ilaalinayaan waddooyinka magaalada Haawadaay ee ay isku dhacyadu saameeyeen. Bishii la soo dhaafay, dowladda ayaa ka qaadday gobolka Oromada bandoo 10 bilood saarnaa, kaddib in ka badan labo sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo lagaga soo horjeedo dowladda dalkaasi. Dhibaatadan lagu Xasuuqay Soomaalida, ayaa sababtay inay istaagaan isu-socodkii Gaadiidka dhinaca Dhulka ee u kala gooshi jiray Galbeedka iyo Bariga dalka Itoobiya, gaar ahaan Deegaannada Dawlad-deegaanka Soomaalida iyo Itoobiyada kale, maaddaama oo deegaanka dhibaatadu ka dhacday u dhexeeyo Bariga iyo Galbeedka, sidoo kale waxa istaagay Ganacsiga Jaadka laga soo qaadi jiray Dhulka Oromada ee la keeni jiray Dhulka Bariga Itoobiya ee Soomaalida iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo shalay iyo dorraad toona aanu soo gaadhin wax Qaad ah oo Itoobiya ka yimi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here