Dawladda Somaliland Oo Ku Hanjabtay Inay Joojinayso Jaadka Itoobiya Ka Yimaada+Shuruud Wax Is Dhaafsi Oo Ay Ku Xidheen Ganacsigiisa

0
128

“ Qaadka Itoobiya Illaa Tuullooyinka Dalkeena Ayaa La Geynayaa, WAxaanu Odhan Doonaa Qaadkooda Ha Haysteen Haddii Aanay Innagana [Somaliland] Milixda iyo Kalluunka”

qaadka hargeysa lagu cuno

Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland ayaa ku hanjabtay inay dalkeeda ka joojin doonto qaadka ugu yimaada dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, kaasi oo maalin walba xaddi badani  oo dhaqaale ahi ku baxo.  Xukuumadda ayaa shaacisay  shuruud   ay sheegtay inay ku beddeli doonto qaadkaas haddii aan dawladda Itoobiya ogolaan  qorshe  wax is dhaafsi  la xidhiidha  wax soosaarka labada dal.  Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Md. Maxamed Jaamac Buureed ayaa waraysi siiyey  Telefishanka SOM NEWS, waxa uu sheegay in suuqa ugu badan ee Itoobiya uga baahan tahay Somaliland uu yahay Wax soosaarka Somaliland gaar ahaanna Milixda iyo Kalluunka oo labaduba ka mid ah manaafacaadka Xeebaha laga helo.  Wasiirku waxa kale oo uu ka warramay saamaynta ay dagaallada YEMENI ku yeesheen ganacsigii Somaliland.    Wasiirka Kaluumaysiga Cali Buureed oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“Qulqulatooyinka Yemen aad bay saamayn ugu yeelatay  Kaluumaysiga Somaliland, waxaa jiray ganacsato Muwaadiniin ah oo gaadiid waaweyn samaystay oo wadankeena Kaluun intay kala soo baxaan u iib gayn jiray Yemen, markaa ganacsigaasi wuu istaagay, dhaqaalihii dadkaas ka soo gali jirayna waa istaagay, waxa kale oo inoo iman jiray ganacsato Yemen ah oo sharci la siiyo oo dakhli inaga soo gali jiray, kaasina waa istaagay. Ta ugu muhiimsanna waxa weeye ganacsatadeenii tagi jirtay Yemen ama marka y halkan yimaadaan Yemeniyiintu ka Iibin jirtay Kaluunka ama intay qaadaan Cadan, Mukalla, Shukhra iyo manaadiiqdaa inagu teedsan ka iibin jiray ayaa joogsaday, taasina dhibaato weyn ayay ku keentay dhaqaalaheena” ayuu yidhi Wasiirka Kaluumaysiga .  Wasiir Cali  Buureed, ayaa sidoo kale sheegay in dad badan oo camal ka heli jiray Kaluunka  ay hadda  ku shaqo beeleen, isla markaana ay wax iska bedeleen dhinaca shidaalka, waxaanuu yidhi  “Dawlad ahaan waxaa waajib ah in la raadiyo suuqii Kaluunku u bixi lahaa. Suuqa Jabuuti oo iska yar wax yar baa kaluunkeena tagi jiray, suuqa ugu weyni Yemen buu ahaa isna waa xidhmay, wixii dalka gudihiisa lagu cunayay mooyaane oo waliba aanay magaalooyinkeena waaweyni lahayn suuqyo casri ah” . Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cali Jaamac Buureed oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu sheegay in hadii ay Itoobiya Kalluunka Somaliland dhaafsan weydo qaadka badan ee ka yimaadda la joojin doono, waxaanuu yidhi  “Ethiopia waxa suuqoodu inooga baahan yahay waxaa ugu weyn kalluunka iyo Milixda kuwaas oo labadooduba  ay  wasaaraddan  hoos tagaan, wax xidhiidh ah oo aanu kala samaynay Ethiopiana ma jirto, runtii Wasaaradda ganacsiga iyo arrimaha dibada dhawr jeer baanu kala hadlay sidii loogu hawl gali lahaa, sidaynu ognahay Kaluunkeenu xagga Ethiopia uma dhaafi karo Tog-wajaale laakiin qaadka Ethiopia meel kasta oo dalkeena ah baa la gaynayaa ilaa Tuuloyinka, markaa waa in Halka qaadku ugu jiro inagana Kalluunkeenu galo haddii kale waxaynu odhan doonaa iyagana qaadkooda ha haysteen haddaanay kaluunkeena qaadanayn” ayuu yidhi Wasiir Cali Jaamac Buureed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here