Dawladda Somaliland Oo Shaacisay In Aannay Ergeyga Qaramada Midoobay Ka Wadahadal In Xafiiskiisa Laga Furo Hargeysa

0
27

Qoraal Wasaaradda Khaarajiga ka soo baxay oo lagu sheegay in aanay Ergayga Xoghayaha Guud ee UN-ka kala xaajoon arrimaha Soomaaliya iyo xafiiskiisa UNSOM laga furo Hargeysa

Hargeysa (Hubaal)- Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa meesha ka saartay inay Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Nicholas Kay kala hadleen in Hargeysa laga furo xafiiska siyaasadda UN-ka ee UNSOM.
Dad kala duwan ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhalliilay in Wakiilka Xoghayaha Guud ee UN-ka u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nicholas Kay iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku yimi Hargeysa bishan August ay ka aqbashay in Somaliland laga furo xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNSOM, kaasoo madaxweyne Siilaanyo hore u diiday in xafiiskaasi ka shaqeeyo Hargeysa.

afhayeenka w dibada
Hasayeeshee, Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland maanta, ayaa lagu sheegay in aanay madaxweyne Siilaanyo iyo Ergayga Qaramada Midoobay ka wadahadal in xafiiskiisa siyaasadda ee UNSOM laga furo Hargeysa, balse labada dhinac wadahadalo ka yeesheen iskaashiga iyo xidhiidhka dhexmari kara Somaliland iyo UN-ka.
“Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Nicholas Kay, ayaa booqasho lagu martiqaaday ku yimi Somaliland toddobaadkii la soo dhaafay, casuumadaas oo uu u fidiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixii Yoonis. Sababta martiqaadka ayaa ku salaysanyd in bog cusub loo furo xidhiidhka Somaliland la leedahay Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa (UN).
Somaliland waxay Wakiilka gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay kala hadashay arrimaha horumarinta, bani’aadamnimada iyo qoddobo kale, mana jirin wax la xidhiidha siyaasadda Soomaaliya oo Somaliland kala xaajootay Mr. Nicholas Kay, sida niidaamka Federaaliga ah ee Soomaaliya, taasoo aan ahayn arrin u taal Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay kaloo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland caddaynaysaa in aan Ergayga Xoghayaha Guud ee UN-ka Mr. Nicholas Kay haba yaraatee laga hadlay in hay’addiisu (UNSOM) xafiis ka furanayso Somaliland.

Labada geesoodba waxay ku niyadsan yihiin in booqashadaasi furi doonto socdaalo kale oo ay Nicholas Kay iyo asxaabtiisa UN-ku ku yimaadaan Somaliland. Muddadii Nicholas Kay joogay Hargeysa wuxuu la kulmay Wasiirro xukuumadda ka tirsan, wakiillada Baarlamaanka, Bulshada Rayidka ah, dad ka socda gobolada bari iyo xubno axsaabta mucaaradka ka tirsan.

Mr. Nicholas Kay, wuxuu xukuumadda Somaliland u xaqiijiyey in xafiiskiisu si buuxda ugala shaqaynayo Somaliland xaga nabadda iyo horumarinta, iyadoo diirada la saarayo qoddobada horumarinta iyo ammaanka. Nicholas Kay iyo weftigiisa waxa warbixino kooban laga siiyey meelaha Somaliland waxqabadka uga baahan tahay iyo in la carifo, lana tilmaamo horumarka weyn ee muuqda oo ay Somaliland meelo badan ka gaadhay, taasoo ay ka mid tahay nabadda iyo ammaanka,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here