Dawladda Somaliland oo Sheegtay In Ay Khubaro U Adeegsanayso Gantaal aan Qarxin & Walxaha Diyaarad dagaal oo Xeebeheeda ku soo caaryey

0
24

Ceel-Sheekh(Hubaal):- Dawladda Somaliland ayaa Khoboro aqoon u leh oo baadha u diraysa Gantaal Diyaaradaha waawayn ee dagaalku nooca ay adeegsadaan ah oo aan weli Qarxin iyo walxo kale oo diyaaradeed, ayaa ka soo caaryey Xeebta Deegaanka Ceel-Sheekh oo ka tirsan degmada Daarasalaam ee gobolka Maroodi-jeex, isla markaana Waqooyi kaga beegan magaalada Hargeysa, sida uu xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland.
Gantaalkan oo dhererkiisu siddeed mitir yahay, ballaadhkiisuna hal mitir iyo dheeraad sida uu Taliyuhu sheegay, ayaan weli Qarxin, isla markaana ay uga digeen Ciidanka ilaalada Xeebuha dadka ku dhaqan deegaanka Ceel-Sheekh ee Gantaalkaas iyo Walxaha diyaaradeed ee ku-lammaani ku soo caaryeen dhawr maalmood ka hor.

GANTAAL-KU-SOO-CAARYEY-XEEBAHA-CEEL-SHEEKH-EE-SOMALILAND-300x225Taliyaha Cidaanka ilaalada Xeebaha Somalialnd Sarreeye Guuto Axmed Aw Cismaan oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay Ciidanku heleen walxahaas iyo Gantaalka Badda Waqooyi ee Somaliland ee Galbeedka Xeebaha Saaxil ay ka soo caaryeen, isla markaana ay Khoboro aqoon u leh oo baadha u diri doonaan maalmaha soo socda.

“Waxan ay maanta ciidanka ilaalada Xeebuhu heleen ee Badda ka soo caaryey waxay u egyihiin ama uu yahay-ba waa Gantaal, waana Gantaalaha ay diyaaradaha ugu waaweyn ee dagaalku qaataan. Gantaalkan dhararkiisu waa 8 Mitir, balladhkiisuna waa hal mitir iyo toban senti-mitir ayaanu ku qiyaasnay.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Sarreeye Guuto Axmed Aw Cismaan.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Markay ugu badato muddo yar oo kooban oo illaa Siddeed cisho ah ayuu Badda ku iray. Waxaa kale oo la socda oo aannu agtiisa ka helnay dabo yar oo baal diyaaradeed u eeg oo ah ta leex-leexata marka diyaaradda isteerinkeeda la duduwo.”

Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Sarreeye Guuto waxa uu sheegay inay Walxahaas uu sheegay inay yihiin kuwa ay diyaaradaha Millateriga noocooda ugu waawayni adeegsadaan ku wareejiyeen Ood, waxaanu yidhi; “Waxaannu samaynay in aannu Ood ku wareejinno oo aannu dadka ka agdhaw uga dignay una sheegnay in ay ka durkaan oo ay ka fogaadaan.”

“Waxaannu u diraynaa khuburo baadhitaan ku soo samaysa oo soo caddaysa, isla markaana baadhitaan buuxa ku soo sameeya, Gantaalkanina waa gantaal aan qarxin oo uu ku jiro wixii qarxayay ee ku rakibnaa.” Sidaa ayuu yidih Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland Sarreeye Guuto Axmed Aw Cismaan.

Warkan Oo Faahfaahsan Fadlan Ka akhri Halkan Oo Guji

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here