Sidoo Kale Xukuumadda Somaliland Waxa Ay Ka Hadashay Buuq Ka Dhashay Mashruuc Ay Shirkad Indho-yar Ahi Macdan Kaga Baadhayso Deegaanka SIIMOODI
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax, ayaa Ka Hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin Heshiis dhinaca Xoolo dhoofinta ah oo Dawladda Federalka ahi la gashay Dawladda Masar, saylado cusub oo xoolaha somaliland loo raadinayo iyo waliba muranka ka taagan deegaanka Macdanta laga qodayo ee Siimoodi. Wasiir Cumar oo u warramayey TV-ga Star, ayaa ugu horrayn ka Hadlay dedaalo uu sheegay inay xukuumad ahaan ugu jiraan sidii Xoolaha Somaliland u heli lahaayeen Sayldo cusub oo kuwii hore ka duwan si dhaqaalaha waddanku kor ugu kaco. Wasiir Cumar waxa uu tilmaamay in Waddamo ku yaalla Qaaradda Asia oo ay kamid yihiin Indonesia iyo Philipine ay doonayaan inay saylado cusub ka helaan,“Waxanu isku dayeynaa inaanu xoolaheena u helno suuq ka duwan midka Khaliijka ama asia ha ahaato ama meel kale ha ahaatee, waana inaynaan meel kali ah ku koobnaan.” Ayuu yidhi Wasiir Cumar Sheekh Maxamed Faarax. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo hadalkiisa sii wata, ayaa dhinaca kale ka Hadlay Heshiis dhinaca Dhoofka xoolaha la xidhiidha oo Dhawaan Xukuumadda Federal-ka Somalia la gashay Dhiggeeda Masar, waxana uu sheegay inaan Somaliland waxba ka khusaynin heshiiskaas, waxana uu yidhi, “wixii Somalia la isku odhan jirey warkoodii waa dhammaaday oo laba dawladood oo walaalo ah oo jaar ah ayeynu nahay waddanna inuu midka kale sheegto maanta ma taagnin, heshiiskaasna wax somaliland ka khuseeyaa ma jiraan. Wax somaliland ay ka ogolaanaysaana ma jirto Xamarna halkan lagama xukumo, dawddana somaliyana Haddii ay heshiis gashay xoolaha ha uga dhoofiso xamar, kismayo iyo kismaayo. Halkaninise waa qaran jira oo aan xamar looga talin.” Dhinaca Kale waxa uu Wasiir Cumar ka Hadlay Muranka iyo buuqa ka taagan Hawlo macdan lagaga Qodayo Deegaanka Siimoodi ee Gobolka Awdal, halkaas oo shacabku cabasho ka muujiyeen Hannaanka Macdan-qodista, waxana uu yidhi,“Murankaasi ma aha mid ilaa xad jira, waana arrin laga wada hadlayo, waxa kaliya ee laga hadlayaana waa dadka deegaanka in la wacyigeliyo oo wax loo sheego, in sida haboon wax looga dhaadhicyo, laakiin wixii khayraad ah ee waddanka lagala soo baxayo la is hortaagi maayo.” Wasiir Cumar oo kasoo jeeda Gobolka Awdal, ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyey ee Ka Hadlay Arrinta Siimoodi, waxana la filayaa in ayaamaha soo socda la qaadi doono tallaabooyin hoos loogu dhigayo Qalada kasoo yeeshaysa Reer Siimoodi.