DAAWO SAWIRRADA Fadeexad Dublamaasiyadeed Oo Ka Dhalatay Ninkan Oo Lagu Qabtay Madaarka Caasimadda Bulgaria Isaga Oo Ku Safraya Somali Diplomat Passport
Muqdisho(Hubaal):-Dawladda Soomaaliya,ayaa diblamaasi Basbor siisay nin aan Soomaaliya u dhalan oo ka ganacsada Daroogada kaasoo lagu qabtay dalka Bugaariya ee ee Yurubta bari.
Ninkan daroogada ka ganacsada oo u dhashay dalka Turkiga ,ayaa sitay diblamaasi Basaboor kana ganacsayay daroogo uu u gudbiyo waddamada Yurub.
Dawladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay cid kasta si toos ah u siiso baasaboorka Soolaaliya,gaar ahaan ka diblamaasiga oo aan la xakamayn karayn.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanaka Soomaaliya,ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay ka masuul tahay bixinta baasaboorka diblamaasiga Soomaaliya ee ay siisay dadka ka ganacsada darooga taasoo ay tilmaameen in ay jiri karaan dan ay ka leedahay.
Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanaka Soomaaliya oo arrintan ka hadlayayaa sheegay in ay isku day badan ka sameeyeen sidii ay u xakamayn lahaayeen bixinta Baasaboorka Soomaaliya gaar haaan ka diblamaasiga laakiin ay taasi uga suura gali kari wyday dhanka Xukuumadda.
“Dhowr jeer ayaan isku daynay in wax laga qabto baasaboorka Soomaaliya ee uu ruux waliba iska wato, gaar ahaan kan dublamaasiga ah, balse way socon waaweyeen dadaalladdaas oo dhan. Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan ayaana u fududeeya qaadashada baasaboorka dadka ajnibta ah,” ayuu ydhii Prof. Dalxa oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee golaha baarlamaanka Soomaaliya.
Ninkan Turkiga ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha xarunta dalka Bulgeria ee Sofia ayaa lagu magacaabaa, Cengiz Duman Niyazi wuxuu booliiska Bulgeria u sheegay in uu yahay dublamaasi sharafeed dowladda Soomaaliya u qaabilsan gobollo ku yaalla dalka Turkiga oo kala ah; Adana, gobolllada Gaziantep.
Ninkan ayaa la sheegay in booliska Bugaariya ay ku qabteen nooc daroogo ah oo ka mid ah maandooriyaha xashiishadda xilliga lagu qabtay madaarka dalkaas ee lagu qabtay.