Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Qalbi Dhagax uu xidhiidh la lahaa ururka Al shabaab uuna ka tirsanaa ururuka Onlf.
Shirkan jaraa’id ayaa dabo socday kulan aan caadi ahayn oo uu yeesheen gollaha wasiirrada ee Soomaaliya. War qoraal oo ka soo baxay dowladda ka dib kulankaasi ayaa lagu sheegay in Qalbi Dhagax uu ahaa shakhsi ku howlanaa falal lidi ku ah ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya isagoo gacan saar la lahaa kooxda Al-Shabaab.
”Golaha Wasiirradu waxey hoosta ka xarriiqeen in shaqsigani uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda hubeysan ee ONLF, isla markaasna uu falal lid ku ah amniga dalka uu ka dhexwaday geyiga Soomaaliya iyo mandaqadda, iskaashi dhowna la lahaa kooxaha araga-gixisada ee Al-Shabaab”, ayaa lagu yidhi dhambaalka ka soo baxay dowladda.
Wasiir Yarisow wuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aalaha, balse dhiibitaankiisa ayuu ku sheegay in ay u daliishadeen heshiisyo hore uuna u dhacay si waafaqsan sharciga dalka Soomaaliya.
Cabdikariin sheekh Muuse ayaa ahaa sarkaal ka tirsan ururka Onlf ee ka dagaalama gudaha Itoobiya.
Afhayeenka Jabhadda Cabdiqaadir Xasan Hirmooge oo BBC-da waraysi siiyay dhawaan ayaa sharaxay arrinta Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, wuxuuna yidhi “Saddexdii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya ayuu ku noolaa, reerkiisa ayuuna la noolaa, nin Soomaali ah ayuu ahaa oo xaq u leh in uu ku noolaado meel kasta oo dalka ka mid ah, wuxuu ahaan jirey sargaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, qeybta 21-aad”.
Dawladda Soomaaliya ayuu caddaadis ka haystay arrintan dad badan ayaana ka dalbanayay in ay ka hadasho sababta ay Itoobiya ugu wareejisay. Dadkaas waxaa ka mid ahaa qoyska Qalbi Dhagax.
Dhanka kalana waxaa arrinta Qalbi dhagaxka hadlay madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar wuxuuna Cabdikariin ku eedeeyay in uu yahay qof dambiile ah oo dambiyo kala duwan ka galay gudaha Itoobiya, wuxuuna yiri “Cabdikariim waa nin u dhashay dowladda deegaanka Itoobiya, waxa uu ka mid ahaa booliiskii ugu horeeyay ee deegaanka, kadibna dhibaato uu sameeyay oo isugu jira dil, dhac iyo kufsi ayuu duurka la galay, kana mid noqdey ururka ONLF, dadkana dhibaato gaarsiiyay gaar ahaan gobolka uu u dhashay ee Doollo, degmada Wardheer”.
Mar uu ka hadlayay sida laga yeelayo Qalbi Dhagax ayuu yidhi “Arrintiisa waxa ay u taalaa dastuurka dalka Itoobiya, iyo hay’daha nabad galyada, iyo madaxda kala duwan”.