Dawladda Soomaaliya Oo Si Indho-isku-qabasho Ah Uga Ka Hadashay Doorashadii Dorraad Somaliland Looga Dareeray

0
153

“Warbixinta Rasmiga Ah Ee Natiijada Doorashada Waa In Laga Sugo Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cidii Ku Guulaysatana…..”

Muqdisho(Hubaal)- Xukuumadda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho, ayaa  sheegtay in doorashadii madaxtooyada ee ka dhacday Somaliland isniintii 13-ka Bishan November, ay ahayd mid si nabadgelyo ah u dhacday oo xataa doorashooyinka  dalalka reer galbeedka qaarkood ka dimuqraadisanayd. Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed ay ka soo baxay shir gaar ah oo shalay golaha wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoominayay Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Khayre. “Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa dhegeystay warbixin la xidhiidha  doorashooyinka ka socda Somaliland iyo ololahii ballaadhnaa ee doorashadii shalay [dorraad] ka horeysey,”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada Muqdisho. “Dood dheer ka dib, Golaha Wasiirradu waxey aad u ammaaneen isla markaasna ay hambalyo u direen doorashooyinka Somaliland oo si nabad ah u dhacay, kuna tilmaamay doorashooyin si dimoqraadiyad ah u dhacay oo xitaa ka fiican waddamada galbeedka qaarkood,”ayaa lagu yidhi qoraalkan. waxa kaloo ay  ku baaqeen in laga dhursugo natiijada ay soo saarayaan guddida doorashooyinku; “Golaha ayaa sheegay inay habboon tahay in warbixinta rasmiga ah laga sugo guddiga doorashooyinka oo cidii ku guuleysata la soo dhoweeyo lalana shaqeeyo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here