Hargeysa:(Hubaal)-Dowlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa shaacisay magacyada iyo dhalashada raggii ka dambeeyey weeraradii Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyin ka tirsan wadankaas oo kala aha Jeddah, Madiina iyo Qatif.
Qaraxyadan oo ahaa kuwii ugu badnaa ee maalin kaliya ka dhacay wadankaas ayaa lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen kooxda Daacish inkastoo aanay jirin cid illaa hadda sheegatay.
Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in qaraxa ka dhacay magaalada Madiina agagaarka masjidka barakeysan ee uu ku aasan yahay Nebi Maxamed NNKH uu ka dambeeyey Naer Muslim Hamad oo dhalasho ahaan kasoo jeeday dalka Sacuudigu.
Ninkan oo caan ku ahaa isticmaalka daroogada ayaa boolisku waxa ay sheegeen in isagoo xidhan Suun miineysan uu ku soo dhowaaday askar ilaalo ka aheyd masjidka nebiga ka dibna uu halkaas isku qarxiyey, waxaana halkaas ku dhintay lix ruux oo afar ka mid ah ay boolis ahaayeen.
Abdullah Waqar Khan oo ka soo jeeda dalka Pakistan ahaana 30 sano jir ayay wasaarada arrimaha gudaha Sacuudigu sheegtay inuu ahaa ninkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay agagaarka qunsuliyada Maraykanka ee magaalada Jeddah, isaga keligii ayaana ku dhintay.
Qoraalka ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha Sacuudiga oo ay faafisay wakaalada wararka dalkaas ayaa lagu sheegay in saddex nin ay ka dambeeyeen weerar kale oo habeenimadii Isniinta ka dhacay magaalo la yidhaahdo Qatif oo ku taalla bariga Sacuudiga taasoo ay degaan shiicada wadankaas, wasaaradu ma sheegin magacyada raggaas iyo iney sacuudiga u dhasheen iyo in kale.
Saraakiisha amaanka sacuudiga ayaa sheegay iney xabsiga dhigeen 19-nin oo lala xidhiidhinayo weeraradan, kuwaas oo 12 ka mid ahi ay ka soo jeedaan wadanka Pakistan, halka 7 kale ay yihiin dad Sacuudiyaan ah.
Boqorka wadanka Sacuudiga Salman Bin Cabdulcasiis ayaa hore wacad ugu maray iney gacan bir ah ku qaban doonaan amaanka wadankaas oo aanay baxsan doonin kooxihii soo abaabulay weeraradan.