Xukuumadda Stockholm oo Muqdisho Ka Dalbatay Inay Kaxaystaan Dadka Soomaalida Ah Ee Sharciga Loo Diiday
Stockholm (Hubaal) Dawladda Sweden ayaa sheegtay inay dalkeeda ka saarayso dadka aan sharciga haysan ee dalkeeda ku nool, gaarna dadka soomaalida ah. Xukuumadda Stockholm ayaa dawladda Somalia ka dalbatay inay dalka Sweden ka kaxaystaan dadka soomaalida ee iyagu aan haysan sharciga dalkaasi amaba loo diiday. Wasiirka caddaaladda iyo socdaalka ee Sweden Morgan Johansson, ayaa sheegay inay culays ku saarayaan Somalia iyo dalalka ee muwaadiniintu ka joogaan dalka Sweden inay kaxaystaan. Wasiirka oo jimcihii shalay la hadlayay warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay inaanay suurtagal ahayn in arrimuhu ay sidan ku sii socdaan, isla markaana uu dalka Sweden la ciirciirayo dad aad u farabadan oo sharciga loo diiday, kuwaas oo sida uu sheegay lagu hayo xeryooyinka sharci-sugayaasha. Wasiirka ayaa sheegay in dalka Somalia aanu safaarad iyo safiirtoona ku lahayn dalka Sweden, balse ay xukuumadda Xamar kala hadli doonaan sidii ay u laaban lahaayeen dadkooda sharciyada loo diiday ee ku sugan wadanka Sweden. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay dalalka Iraq, Lubnaan iyo Iran inay iyana ay ka haysasto dhibaatooyin ta soomaalida ka haysata la mid ah, waxaanu sheegay dad aad u tiro badan ay oo u dhashay dalalkaasi ay dalka Sweden ku sugan yihiin, kuwaasi oo loo diiday sharciga dalkaas, isagoona sheegay inay kulan degdeg ah iskugu yeedhayaan safiirrada dalalkaasi u jooga, isla markaana ay kala xaajoon doonaan sidii dadkooda ay u qaadan lahaayeen.
Wasiir gan Johansson, ayaa sheegay inay xidhiidh wanaagsan leeyihiin dalalkaasi, waxaanu soo jeediyay inay dhawraan xidhiidhkaasi, isla markaana waxa uu tilmaamay in dawladoodu ay haatan midowga Yurub culays ku saarayso sidii ay dalalkaasi ugu cadaadin lahaayeen inay dadkooda kaxaystaan
Dalka Sweden waxa ku sugan soomaali aad u farabadan oo aan haysan sharci, kuwaas oo ku jira xeryooyinka loogu talogalay qaxootiga ee sharci sugayaasha ah. Arrintan ay dawladda Sweden ka dhawaajisayna ayaa saamayn ku yeelan doonta dadka soomaalida ah ee ku nool dalka Sweden iyo gudaha dalkii