STOCKHOLM- (Hubaal)- Dawladda cusub ee garabka bidix ee dalka Sweden, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay si buuxda oo rasmi ah u aqoonsatay Dawlad ay Falstiin yeelato,waxaanay arrintani ku soo beegantay xilli ay sare u sii kacayso xiisadaha u dhaxeeya Carabta, Falstiiniyiinta iyo Yuhhuuda oo ku guddo jirta dhismaha Kun guri oo deegaamayn ah oo cusub oo laga dhisayo bariga magaalada Jerusalem.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Margot Wallstrom, ayaa sheegay in dawlada Sweden, ay garawsatay in Falastiin ay si buuxda oo rasmi ah u buuxisay shuruudihii aqoonsiga dawladnimada ee waafaqsanna sharciga caalamiga ah.
Dhinaca kale, Wasiirka Khaarajiga ee Isra’il, ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado go’aanka rasmiga ah ee ay Sweden ay ku aqoonsatay dawlada Falstiin, waxaanu ku dooday in ay sii dhiirigalinayso waxa uu ugu yeedhay xagjirnimadda Falstiiniyiinta, waxaanu ku tilmaanay in Isra’il uu waxyeelo ku yahay aqoonsigani.
Dawlada Sweden oo hore ugu dhawaaqday in ay aqoonsan doonto dawlada Falstiin, ayaa hada si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay aqoonsatay dawlad ay Falstiin yeelato.
Dhawaaqan rasmi ah ee ka soo baxay dawlada Sweden, waxa si weyn u soo dhaweeyay dawlada iyo shacabka Falastiin, iyaga oo ku tilmaamay go’aan taariikhi ah oo u hiilinaya xaqa iyo xuquuqdda Falstiin.
Baarlamaanka dalka Britain, ayaa bishan horaanteedii cod aqlabyad ah ugu codeeyay aqoonsiga dawlada Falastiin.
GUJI HALKAN OO KA AKHRI WARKAN OO FAAH-FAAHSAN