Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa xafiiskiisa magaalada Hargeysa ku qaabilay qunsulka guud ee dalka Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Muzaffer Yuksel.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland shalay, madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo diblomaasiyiinta dalka Turkiga ayaa ka wadahadlay xidhiidhka u dhexeeya labada dal iyo siddii loo dedejin lahaa xafiiska xoghaynta Somaliland ee wadanka Turkiga.
Bidix Qunsulka Turkiga, Muzaffer Yuksel, WAD, Maxamed B. Yoonis, Wasiir-ku-xigeenka Mowliid iyo Safiirka Somaliland u magcawday Turkiga Ali Ahmed Osman.
Bidix Qunsulka Turkiga, Muzaffer Yuksel, WAD, Maxamed B. Yoonis, Wasiir-ku-xigeenka Mowliid iyo Safiirka Somaliland u magcawday Turkiga Ali Ahmed Osman.
“Maanta (shalay) oo Axad ahayd Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland, Maxamed Biixii Yonis, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka Guud ee Turkiga u fadhiya Somaliland Mr.. Booqashada Yuksel ee Wasaaradda Arrimaha Debedda ayaa la xidhiidhay is-barasho, waxana laga wadahadlay xidhiidhka Turkiga iyo Somaliland. Arrimaha kale ee laga wadahadlay waxa ka mid ah mashaariicda dawladda Turkiga ka fulinayso Jamhuuriyadda Somaliland oo cusbitaalladu ka mid yihiin iyo mashaariic kale.
Qunsulka Guud waxa uu halkaas ka sheegay in intii uu joogay Somaliland wax badan oo aannu hore u ogayn haatan ogaaday, kuna faraxsan yahay joogitaanka caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Arrin kale oo labada geesood isla soo qaadeen waxay ahayd sidii loo dedejin lahaa xafiiska xoghaynta Somaliland ee dalka Turkiga, xafiiskaas oo qaabilsan wadahadallada ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
Munaasibaddaa waxa joogay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Debedda Md. Mowliid Maxamed Ibraahim iyo Safiirka Somaliland u magacowday dalka Turkiga Mr. Cali Axmed Cismaan oo la filayo in uu dhowaan ka hawlgalo dalka Turkiga,” ayaa lagu yidhi warsaxafadeedka uu saxeexnaa Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga Somaliland Mr. Siciid Cali Muuse.